Daawo Sawiro Qaybtii 2aad ..Banaanbax Balaadhan Oo Looga Soo Horjeedo Go,aankii BANKIGA BARCLAYS Ku Joojiyay Adeegyadii Xawaaladaha Somalida Oo Ka Dhacay London

Aug 07 2013 London(SM)-Banaanbax balaadhan oo maanta ka dhacay magaalada london gaar ahaan afaafka hore ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dibad-baxayaasha oo isugu jiray Soomaali, Afrikaan iyo dad Eeshiyaan ah ayaa waxay qoraal ay kaga cabanayaan go’aanka bankiga Barclays maanta u gudbiyeen ra’iisul wasaaraha Britain, iyadoo qoraalkaa ay saxiixeen 25,500-qof.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mudaaharaadka ayaa waxaa horkacaysay xildhibaanad British ah oo lagu magacaabo Rushunaara Cali oo laga soo doorto bariga magalada London, waxaana ka qaybqaadanayay dadweyne fara badan oo qaarkood ay wateen boodhadh ay ku muujinayaan sida ay uga walaacsan yihiin go’aanka lagu xidhaayo xawaaladaha oo ay lacagaha u marsiin jireen ehelladooda ku nool Afrika.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Waxaan halkan u nimid inaan muujinno codkeenna ah inaan kasoo horjeedo go’aanka uu gaaray Barclays Bank, sidoo kalena aan muujinno inay jiraan dad kasoo horjeeda inay Soomaaliya wax qabsato,” ayay tidhi Layla Ibraahim Cumar oo ka mid ah Soomaalida ku nool Bariga London .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, Layla oo la wedyiiyay walaaca ay ka qabto nolosha qoyskeeda oo ku nool Afrika haddii go’aanka bagiga uu meel maro ayaa waxay sheegtay in ay qayb ka tahay sababta ay dibadbaxa u dhigayaan inay u muujiyeen UK in haddii la xidho xaawaladaha ay jiraan dad badan oo lacago halkan looga diri jiray oo dhibaato ay lasoo darsayso.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Go’aankan ayaa wuxuu saameynayaa 250 shirkadood oo kuwa xawaaladaha ah, waxaana dadka dibadbaxayaashu ay ku qaylinayeen erayo muujinaya in ay walaac xooggan ka qabaan xaaladda nololeed ee qoysaskooda iyo qaar ka mid ah ehelladooda oo ay dhaqaale uga iman  jireen Britain.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dibadbaxan ayaa dadka taageeraya waxaa ka mid ah orodyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Faarax (Mo Farah) oo u orda yahay dalka Britain, ah isag oo ku guuleysatay billado badan oo isugu jira orodka dheer iyo kuwa gaa-gaaban.Waxa uu kusoo dhamaaday guul iyada oo weli dedaalka loogu jiro sidii arinkan xal loogu helo uu sii soconaayo ayna tahay waajib in dadka Soomaalida ah ee dalkan kunool ay qayb ka qataa sidii ay u muujin lahaayeen dedaalkooda. Waxa gudida ku hawlan dhaq-dhaqaaqan lagu badbaadinaayo ay  baaq u direen dadka Soomaalida ahi in ay u diyaar garoobaan banaanbaxyo kale oo la abaabuli doono ,lagana codsanaayo inay kasoo qaybgalaan.Arinkan waxa qayb weyn ka qaatay ururo ka hawl gala dalkan Ingiriiiska oo ay ugu horeeyaan  Dalada British Somaliland Council iyo East London Somaliland Society.

 Lasoco Video dhawaan Insha Allah.

Salaanmedia/London