Waxaa Habeenkii Sabtida ka dhacday Galbeedka Magaalada London xaflad si aad u heer saraysa loo soo agaasimay taas oo ay soo qaban-qaabiyeen Hawl-wadeenada Xisbiga Waddani Laantiisa UK. Xafladan ayaa Xisbigu ugu talo-galay soo Dhoweynta Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali Reyte oo Xalayto si buuxda ugu soo biiray Xisbiga Waddani.
Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan hawlwadeenada xisbiga ee heer Qaran iyo laanba ayaa waxaa iyaguna goobjoog ka ahaa xubno ka kala socday laamaha Sheffield, Birmingham, Leeds iyo Milton Keynes. Xubnahani waxay dhamaantood muujiyeen siday ugu faraxsan yihiin ku soo biirida Xildhibaan Rayte waxayna taasi tusaale u tahay horumarka iyo Talaabooyinka Xisbiga Waddani ku talaabsaday, iyadoo aad loogu hambalyeeyey laanta UK ee Xisbiga Waddani oo muujiyey firfircooni dheeraad ah.
jj
Xildhibaan Rayte oo goobta ka hadlay ayaa cadeeyey inuu caawa laga bilaabo si buuxda ugu buuray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani isagoo ka soo guuray Xisbigii uu hore uga tirsanaa ee Kulmiye. Markaan arkay majarahabaabka ku dhacay Xisbigii aan hore uga tursanaa ee Kulmiye ayaan deraasid badan ka dib go’aan shakhsi ku qaatay inaan ku biiro Xisbiga Mucaaradka Waddani, ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen hadalo taariikhi ah oo uu goobta ka jeediyey Xildhibaan Rayte.
Xafladan oo maqal iyo muuqaal ahayd ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saxaafad aad u balaadhan waxaanuna idiin soo bandhigi doonaa Xafladan oo dhamaystiran.
Afhayeenka Xisbiga Waddani
Laantiisa UK
Qasim Aadan Saleebaan
kasslmn@aol.com
London