Dagaal yahano Hubeesan oo ka qeyb galay Tartan Quraan Aqris ah lana gudoonsiiyay Abaal marino(Daawo Sawirada)

 

Waxaa Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay lagu soo gaba gabeeyay Tartan Quraan Aqris ah oo loo qabtay Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab kuwaa oo bishan oo kale sanadkiiba loo qabto tartan nuucaan oo kala ah.

Tartanka Quraan Aqriska waxaa ka qeyb galay Dagaalyahano hubeesan oo ka kala socday Lixda Jabhadooda ee Ciidamada Al-Shabaab waxaana kaalimaha hore Tartanka ka galay Dagaalyahano ka kala socotay Gobolada Banaadir , Sh/Hoose iyo Gobolka Sh. Dhaxe.

Munaasabada lagu soo gunaanadayay Tartankan Quraanka Aqriska ayaa lagu qabtay Magaalada Diinsoor waxaan ka qeyb galay Masuuliyiin katirsan Al-Shabaab , Dagaalyahanadii kaalmaha hore ka galay Tartanka Quraan Aqriska ayaana la siiyay abaalmarino qaali ah oo isugu jira lacago Dollar iyo alaabo kale ay ku farxeen.

Waa Sanadkii labaad oo Tartan nuucaan oo kala ah Al-Shabaab u qabtaan Ciidamada u dagaalama iyaga oo ku tartansiiya Aqrinta Quraanka Kariimka , sanadkii hore ayaa tartan kan lamid ah waxa uu ka dhacay Magaalada Marka xiligaas oo gacanta Al-Shabaab ay ku jirtay Magaaladaasi.

Salaanmedia
Muqdisho Somalia