Dallada SAHAN Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Bogaadisay Baaqa Ku Saabsan La Dagaalanka Cudurka Dilaaga Ah Ee HIV/AIDS-ka

barnaamijyadaas oo hoos loogu dhigayo faquuqa iyo takoorka lagu hayo dadka iyo qoysaska uu haleelay xanuunka HIV/AIDS

image

Hargeysa (SM) – Dallada SAHAN Network oo ay ku bahoobeen in ka badan 75 urur oo ka shaqeeya ama ka hawl gala Lix Gobol oo Somaliland ahi ayaa dhambaal hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Sidaasna Waxa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay Agaasimaha Dallada SAHAN Md. Anwar Abdirahman Warsame kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka ee

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan Dallada SAHAN Network oo ay ku bahoobeen in ka badan 75 urur oo ka shaqeeya lixda gobal ee Jamhuuriyada Somaaliland, waxay si wada jira baaqan hambalyada ugu dirayaan Madaxwaynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) booqashdii qiimaha badnayd ee uu ku yimi Komashinka la dagaalanka AIDS-ka Somaliland (SOLNAC) maalintii Axda  25/8/2013.

 

Boqashadan oo ahyad mid aad iyo aad u muhiima oo uu madaxwaynahu ku soo bandhigay inuu uu taageero hiil iyo hooba leh ay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay lagarab taagantay komiishanka qaranka, sidoo kalena uu sii labalaabi doono waxqabadkii ku wajahnaa ladagaalanka xanuunka HIV/AIDS-ka ee ay hore dawladu ugu qaban jirtay bulshada Somaliland,  Madaxwaynuhu waxuu si cad u muujiyay sida ay uga go,an tahay Qarnka JSL xakamaynta iyo ka hortaga xanuunka HIV/AIDS, isago baaqna u diray  dhamaan haa,aaydaha maxaliga, kuwa caalimga iyo kuwa qaramada midoobayaba in dadaalkoodii sii labalaaban si loo badbaadiyo qaybo badan oo ka mida bulshadeena Somaliland iyo dadka masaakiinta ah ee xanuunku asiibay.

 

Sidaa daraadeed, Dallada SAHAN Network oo ku hadlaysa afka ururada bulshda (LNGOs) Somaliland eek u hawlan ama u adeega bulshada kala duwan ee dalka in ay ku garab taagan yihiin madaxwaynaha JSL baaqa ka soo yeedhay, isla mar ahaantaana ay gunta dhiisha iskaga dhigi doonan sidii ay u xoojin lahayeen ama kor ugu qaadilahayeen hawalihii ay u hayeen guud ahaan bulshada,gaarahan dadka  uu asiibay xanuunka HIV/AIDS iyo dadkooda uu saameyay intaba. Inta laga war qabo ururada maxaliga ah ee ku foogan ka hortaga iyo xakamaynta cudurkan oo run ahantii talaabooyin wax ku oola ka qabtay yaraynta  xanuunka HIV/AIDS, hadii ay noqoto dhinaca wacyigelinta, dhinaca taagerida iyo taakulaynta dadka xanuunka la nool iyo dhinaca  soo bandhigida baraanmijyo tayo leh, oo ah sidii kor loogu qaadilaha heerka aqoonta bulshada ee HIV/AIDS, barnaamijyadaas oo hoos loogu dhigayo faquuqa iyo takoorka lagu hayo dadka iyo qoysaska uu haleelay xanuunka HIV/AIDS oo faro baas ku haya dad tiro badan oo dan yar ah oo ka mida bulshadeena ku dhaqan Jamhuuriyadan Somaliland.

 

Dallada SAHAN Network iyo ururadeedu waxay warsaxafadeedkan ku caddaynayaan in   ay sii kordhin doonan inta itaalkooda ah, hawl maalimeedkii ay u hayeen dadkooda inka badan intii ay hore u qaban jireen,  iyagoo dib iskugu tashan doona in aanay waxba ka sugin in cidkale dhaqaale ay ka sugaan, balse ay ku hawl galaan waxii ay gacanta ku hayaan sidii ay awalba ugu shaqynjireen dadkooda si mutadawac ah.

 

Ugu danbayntii, Dallada iyo ururadeedu waxay mahadnaq balaadhan u soo jeedinaayn Madaxwaynaha JSL sida quruxda badan ee uu dardargeliyay Haa,yadaha ka shaqeeya HIV/AIDS-ka iyo sida uu u cadeeyay mawqifka xukuumada ee  ku wajahan xakamaynta xanuunka iyo sidii loola tacali laha ama loo badbaadin lahaa ummadda reer Somaliland. Dallada SAHAN waxay sidoo kale fariin u diraysa bulshadu sidii meel looga soo wada jeedi lahaa wax ka qabashada iyo yaraynta xanuunka, iyo in qof walba oo ka mida bulshadu  uu iskii isu baadho si uu wax uga ogaado caafimaadkiisa.

 

? Uma baahnid inaad ka baqato HIV/AIDS laakiin waxaad ubaahantay inaad wax ka ogaato HIV/AIDS?

 

Agaasiimaha Dallada SAHAN

 

Anwar Abdirahman Warsame