Daraasad Cilmi Ah Oo Ku Saabsan Cudurka Waalida.

Daraasad Cilmi Ah Oo Ku Saabsan Cudurka Waalida.

   Sool

Hordhac…..Faham qofka maskaxda waxa uga dhimanyihiin oo u Naxariiso, adna ILaahay

ha kuu naxariistee…...Marka dadku ama bulshadu jaahil ka tahay facaayilka ama wax

yaalaha ay samaynayaan dhibaatooyinka ay keeni karaan, may u dhawaadeen manay

sameeyeen, Tusaale bulshada Soomaalidu guud ahaanba u lama-dhaqanto Dadka waalan ama maskaxda wax ka qaba sidii Qofka caadi ah oo Xanuunsanaaya loola dhaqmo.

 

 

 

Arintaa ayaad ku macnayn kartaa Takoorid ama Cunsuriyad toos ah oo lagula dhaqmo dadka maskaxda wax uga dhimanyihiin.Xanaano-darida ay qabaan dadka waalani ee reer

Somaliland iyo kuwa Somaliya-ba ee ah Dawo li’ida, Dhakhaatiir li’da iyo Daryeel

li’ida waxa kaga daran Dagaalka, Cayda, Daacaayada, Magac Xun-bixiska, Shiidka,

Eryadka ama Baacsiga ay ku hayaan dadka caadiga ah iyo ciyaalkoodu…..Hadaba

Su’aasha Meesha Taalaa waxa weeye labaad dad kee ayaa wax u dhimanyihiin? Ma

dhibanaha maskaxda wax ka qaba mise kan caadiga aan leenahay.

 

 

 

Jawaabta Akhristow Adigaa iska leh……..Waxaan aad u xasuutaa yaraantaydii oo aan ku arki jiray

magaalooyinka waa weyn siiba Hargaysa iyo Burco dad waalan oo malin walba lala

dagaalamaayo oo waliba Dumar iyo Ciyaal faro badni shiidayaan oo la baacsanaayo,.

Dadkaa oo aanan Qof kaliya Magaciisii wanaagsanaa garanaynin ilaa iyo iminka ayaa

wax loogu yeedhi jiray Magacyo Naanaysyo foolxun ah oo ahaa…Subxaan-geer-gali,

Baqaye, Xuuf, Nacalaa-dhalay, Cumar-iid oo ka xanaaqi jiray *Ina-jibaaxe* iyo Gabadh

la odhanjiray Ina-Qorane oo dad badani ku qiimeeyaan iminka Mujaahidad, sabata oo ah

SNM-ta oo magaceeda lagu isticmaali jiray (As code name) sharciyana fasax lagama

haysan Ina-Qorane lafteeda, taa soo waliba ay ku mutaysan lahayd dil haddii

Faqashtii ogaato. Dhinca Burco…. Hooraaye oo ahaa nin xigmaawi ah….Maalin

dhaxtuur ka dhacay Burco-na Faqashtii u babacdhigay isaga oo leh, miyey daan Dawlad

ahayn oo Dulqaad lahayn Ciyaalkan iyo Caruutan aa Rasaasta la dhacaysaan aniga 30

sano ayey i shiidayeen oo dhagax ila daba taagnaayeen idinkuna maalin kaliya ayaa

dulqaad yeelan weydeen oo xamili weydeen. Luguc, dab iyo Foox, indho-biyo,

Suntu-waa-biyo, Nuux-beed oo ka xanaaqi jiray *Nuuxow bash* Dadkaas oo dhami waxay ahaan jireen dada caadi ah intaan Xanuun maskaxeedku ku dhicin oo lahaa magacyo wanwanaagsan.

 

 

 

Daraasad Cilmi ah oo ku Saabsan Cudurka Waalida.

 

 

 

Qofkii Ilaahay *Subxaana Watacaala* uu siiyay caafimaad wanaagsan waxaa waajib ku ah in uu mahad u celiyo, sababta oo ah waxaa jira dad badan oo qaba cudurro aan dawo lahayn oo Maskaxda wax uga

dhimanyihiin. Waalidu waa Xanuun la mid ah Xanuunada kale ee dadka ku dhaca sida

Kaadi macaanka, Wadno-xanuunka ama Kansarka waxaana afka qalaad lagu yidhaahdaa

Iskisoofareeniya (schizoprenia). Dadka waalani wax ay wax ka noqdaan habka maskaxda

u shaqayso waxaana sababa u ah isbedello ku dhaca kiimikada iyo dhismaha maskaxda

iyo waxyaalo la xiidhiidha jineetikada. Dadka waashana waxay u baahan yihiin in la

fahmo lana taageero iyo in aan lagu caayin ama la odhan waad waalan tahay.

 

 

 

Waa maxay waalidu?Maskaxda waxay leedahay bilyano unugya (cell) dareen (nerve).

 

Dareeme kasta wuxuu leeyahay laamo uu ku diro ama ku qabto fariimaha dareemayaasha kale. Laamahaas daren waxay sii daayaan kimikooyin (dopamine & serotonin) shaqadooduna tahay in ay

fariimaha ka qaadaan laan kasta oo dareeme ah ayna u gudbiyaan unug jidhka kale.

 

Markaa qofka waalan waxaa si khalad u shaqeeya hab isugudbiska fariimaha.Waalida

inta badan waxay ku dhacdaa dadka dhalinyarada gaar ahaan ragga in kasto ay ku dhici

karto dumarka iyo dadka waayeelka ahba.Calaamadaha waalida:Cudur kasta wuxuu

leeyahay calaamado lagu garto waxaana la sii garan karaa in qofka uu soo waalanaayo

sababto ah waxaa isbedelayaa hab dhaqankiisa iyo hadalkiisa. Haddii qofka laga

dareemo caalamadaha hoos ku qoran waa in loo geeyo dhakhaatiirta. Waxaa caado u ah dadkeena in aanay ku odhan karin qofka waalan dhakhtar maskaxda ah ayaad u baahan tahay ee ha laguu geeyo.

 

 

 

Dadka waalan waxaa lagu gartaa in ay aaminsan yihiin

waxyaalo dadka kale ee la nool aan wax macna leh u samaynayn. Waxay yidhaahdaan waalay daba jooga oo waa lay jaajuusiyaa ama la i daba socdaa. Dad awood sare leh ayaa waxay rabaan in ay wax i yeelaan ina kontoroolaan. Dadka waalan waxaa kale oo lagu yaqaanaa in yidhaahdaan ama ay maqlaan, uriyaan ama dhadhaminyaan wax aan jirin. Wax ay maqlayaan wax iyaga la hadlaaya ama ka hadlaaya. Waxana lagu amrayaa in ay yidhaahdaan waxyaala xun ama sameeyaan wax khalad ah. Ta kale, fikradahooda si sax ah uma gudbin karaan oo micna u samaynaaya dadka kale. Hadalkooda oo kala googo’an taa soo ah iyaga oo wax ka hadlaaya ay ku soo daraan sheeko aan meshaba ku jirin. Waxaa laga yaabaa in qofka noocaan ah aanu nasanin waliba uu shaqo iyo qosol badan yahay. Waxay aaminsan yihiin in awood badan yihiin, caan iyo taajirna yihiin. Mar marka qaarkood waxay aaminsan yihiin in xabad ku soo socota ayna waxba ka dhibayn ama ay ka kor boodi karaan dabaqyo badan.

 

 

 

Dadka waalani shaki ayey ka qabaan dadka kale oo waxay ka baqayaan in wax yeelaan. Waxayna mar kasta isku dayaan in ay cadeeyaan in waxa ay sheegayaan ay run tahay.Dadka waalan qaarkood waxay noqdaan kuwo caay iyo aflagaado badan, diidaana in ay la shaqeeyaan reerkooda ama dadka daawayn lahaa.Waalida Qalab lagu baaadho ama lagu Cabiro ma leh.Sidoo kale waalidu ma laha dawo lagu daaweeyo laakiin waxay leedahay dawo lagu kontoroolo caalamadaha la xidhiidha waalida. Waxaa muhiim ah in qofka lagula dadaalo dawada casriga iyadoo la samaynaayo wax alla wixii kale ee surto gal ah ee qofkaas uu ku bogsan karo. Qofka marka ay waalidu ku

dhacayso waxay qaadataa waqti dheer oo waxaa la garan karaa in qofka la soo haayo

sababto ah waxaa la garan karaa hab dhaqankiisa iyo dabeecadiisa iyo sida uu

hadlaayo waana marka qofka uu baahan yahay in wax la taro dhakhtar maskaxdana loo

geeyo. Qof kasta oo bukaa wuxuu u baahan yahay, faham, Taageero, naxariis iyo

dulqaad.

 

 

 

Source: Medical Journal

 

Waa Tarjumaddii: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist.

sooldhuub@hotmail.com