Dawlada Sweden Oo Shaacisay Inay Soomaaliya Ku Maal-Galinayso Lacag Qadarkeedu Dhan Yahay $46 Million Dollars Sannad Kasta, Xusayna Inay Safiir Usoo Magacaabeen Dalka Soomaaliya

 

Hargeysa(SM)-Dawlada Sweden ayaa shaacisay inay dalka Soomaaliya ku maal-galinayso sannad kasta lacag qadarkeeda ay ku qiyaaseen $46 Million Dollars oo ah lacagta dalka Maraykanka, lacagtan ayay dawlada Swedish-ku ugu talla-gashay inay Soomaaliya ka caawiso mashaariic dhinaca horumarka ah.

Per Safiirka Sweden ee Somaliya

 

Danjire Per Lindgärde oo Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladda Sweden ay sanadkii siineyso Soomaaliya lacag dhan 300 milyan oo lacagta Sweden ah (46 Milyan Doollar) illaa sanadka 2017.

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay shirka Lund oo ah shir sanadle ah oo sanad walba lagaga hadlo arrimaha dalalka Geeska Afrika, wuxuuna intaas ku daray in dhaqaalahaas uu yahay mid ay Sweden uga qeybqaadaneyso horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo uu dalka Soomaaliya kasoo kabanayo qalalaasahii iyo dagaaladii.

Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto ayuu sheegay Danjire Per Lindgärde in loo baahan yahay in dib loo eego dastuurka si looga gud-bo khilaafaadyada ka dhalan kara kheyraadka dalka, sidoo kalena loogu diyaargaroobo doorasho waddanka ka dhacda sanadka 2016.

 

Salaanmedia/Hargaysa