Dawladda Federaalka Somalia oo Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd oo fadhigeedu yahay dalka UK

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalak Soomaaliya ay “heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain.”

Sida ku cad diiwaanka companieshouse.gov.uk, Shirkaddan waxaa UK laga diiwaan geliyey 15 cisho ka hor, taariikhdu markay ahayd 22/07/2013 (July 22, 2013).  Tixraac Halkan http://wck2.companieshouse.gov.uk/, si aad u eegtid xilliga la diiwaan geliyey website-kaas ku qor magaca shirkadda cusub oo ah: Soma Oil and Gas Exploration ltd. (Date of Incorporation in UK: 22/07/2013). Sidoo kale website shirkadda waxaa la diiwaan geliyey March 26, 2013. Tixraac:http://who.is/whois/www.somaoilandgas.com .

Warsaxaafadeedkii ka soo baxay DFS hoos ka akhri:

Heshiis dhexmaray Dawladda Somalia iyo Sharikad Sahminaysa Shidaal

Wasaaradda Khayraadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqday maanta in ay heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain.

Heshiiska waxaa uu u ogalaanayaa Sharikaddan in ay ka sahmiso Soomaaliya in Saliidi ku jirto , soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka Shidaal, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.

Waxaa la rajaynayaa in heshiiskan uu qayb ka noqdo dhiirigalinta maalgashiga iyo soo saarista khayraadka dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa uu muujinayaa xiriirka xoogan ee u dhexeeya Somalia iyo Britain.

Wasaaradda Kheyraadka

Xukuumada Federaalka

Wixii faah faahin ah la xidhiidh
Afhayeenka Xukuumada
Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Mob.+252-61-6969105
ridwaanhaji@gmail.com

6th August 2013

Dowladda Federaalka oo Heshiis la gashey Shirkad Shidaal ka Baareysa Soomaaliya oo laga leeyahay ingiriiska

Maanta oo Taariikhdu tahay 6-8-2013 waxay Wasaaradda Kheyraadka Dalka la gashay Shirkad sahmin ku sameyneysa in Soomaaliya ay leedahay Shidaal iyo Saliid, oo fadhigeedu yahay dalka Britain, waxaana lagu magacaaba Soma Oil And Exploration, taas oo ay ku jiraan khubaro dhinaca Baarista wixi heshiiskan Khuseeya. www.somaoilandgas.com

Kulanka Heshiiska lagu kala saxiixanayey ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid ) sidoo kale Wasiirka Kheyraadka dalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in Shirkadani ay ku soo kordhin doonto dalka Horumar balaaran inay ka baarto dalkeena Saliid iyo Shidaal taa oo haddi lagu Guuleysto sare u qaadi doonto Horumarka dhinaca Dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha shirkadda maanta heshiiska lala gaaray Michel Harwood ayaa isagana tilmaamay in Heshiiska Sahminta in uu qeyb weyn ka qaadanayo Kobcinta Dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana uu rajeynayo in lagu guuleysto.

Heshiiska Sahminta Saliidda iyo Shidaalka Soomaaliya ee Badda iyo Berriga ay Shirkaddan Soma Oil And Exploration ka sameyneyso Soomaaliya ayaa dhaqan galaya marka ay ka doodaan Golaha wasiirrada Soomaaliya, waxaana heshiiska uu qaadan doonaa muddo Sannado ah, iyadoo ay ka shaqeynayaan khubarro caan ka ah dalka Ingriiska oo Dalal badan horey baaritaano dhinaca Shidaalka ah uga soo sameeyey.

Dabayaaqadii Bishii insoo dhaaftey ayaa ayaa Dowladda Federaalka waxay Heshiis la gashey Shirkada lagu Magacaabo Atlantic Marine And Offshore Group oo laga leeyahay wadanka Holland taasoo Qandaraas lagula Heshiisyey in ay Ilaaliso Khayraadka Bada Soomaaliya sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale waxay Heshiis la gashey Shirkad lagu Magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection taasoo Ilaalin doonta islamarkaana Hubin doonta Raashinka iyo Daawada dalka la soo gelinayo

Hadaba Dhowr Todobaad ayaa Dowlada Federaalka waxay Heshiisyo la gashey ilaa Seddex Shirkdood taasoo la yaab ku noqotey Bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood ay sheegeen in Shirkadaha qaarkood waxa ay qabanayaan ay qaban karaan dadka Soomaaliyeed kuwaa oo Awooda in ay yihiin kuwa ka soo dhalaali kara oo Aqoontooda u leh, iyadoo Shirkadahaan ay Dowladu la gashey Heshiisyada looga baahan yahay in ay Marsiiyaan Golaha Baarlamanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ministry of National Resources
Federal Republic of Somalia

Somalia signs Oil & Gas Seismic Agreement

The Minister of National Resources, on behalf of the Federal Republic of Somalia, announced that the Government has today signed an Agreement with Soma Oil and Gas Exploration Ltd, www.somaoilandgas.com a United Kingdom company.

Under the agreement the company will conduct seismic surveying to assist the development of Somalia’s hydrocarbons sector.

It is expected that this will attract further investment and facilitate exploration in an area of immense economic potential for the nation.

The agreement reflects the strength of the relationship between Somalia and the United Kingdom.

6th August 2013
Ministry of National Resources
Federal Republic of Somalia

For more info. Contact
Government Spokesman
Ridwaan Haji Abdiweli
Mob.+252-61-6969105
ridwaanhaji@gmail.com