DEG DEG FAAH FAAHIN:-Qaraxyadii Caawa Ruxay Muqdisho iyo Gaadhigii Loo Adeegsanayay Qraxyadaasi oo Laqabtay Xili…+Sawiro

images (7)

Ilo ku dhaw laamaha amaanka ee dalka ayaa waxa ay sheegayaan in gaadhi Ruuneer ah oo loo adeegsadanayay qaraxyadii gil-gilay caasimada Soomaaliya dhawaan gacanta lagu dhigay isaga oo wali ku guda jira fulinta weeraradii argagaxa lahaa ee bulshada Muqdisho jawigooda qasay.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin shaqsiyaadka lagu qabtay gaariga gacanta ciidamada amaanka galay ayaa hadana waxaa wararku hoosta ka xariiqayaan in gaadhigaasi xilligii la qabanayay ay la ssocdeen dhowr nin oo loo soo xil-saaray qal-qal gelinta caasimada Soomaaliya iyo banbooyin aad u badan oo la qorsheynayay in lagu fuliyo weerarro dheeraad ah.

Xilligii ay soo baxeen wararka sheegaya in gacanta lagu dhigay gaariga qaraxyada loo adegsanayay ayaa waxaa magaalada ku soo laabatay jawi deganaan ah iyada oo ay joogsadeen qaraxyadii sil-siladaha ahaa ee la maqlayay, inkasta oo magaaladu wali aanay cadeyn sidii ay ahaan jirtay habenadii hore.

Si kastaba, laamaha amaanku si rasmi ah uma shaacin qabashada gaariga la sheegay in loo adeegsaday fulinta weeraradii caawa, waxaana weeraradii layaabka lahaa ee caawa ay ahaayeen kusii ugu badnaa taarkiida Muqdisho ee waqtiya kooban la fuliyo.

 

Salaanmedia/Mogdisho