Deg Deg : Maydka Alle Ha u Naxariiste Marxuum Suldaan Barre Shire Warsame oo la Helay انا لله وانا اليه راجعون

newsflash1

Hargeysa/SM..Waxa Goordhawayd la Helay Maydka Alle Ha U Naxariistee Marxuum Suldaan Barre Shire Warsame oo Xalay Daad ku Qaaday  Dooxa Dacarbudhuq Suldaanka oo ku Socda kana Mid ahaa Ergo U Socotay Hawl Nabadayn ah u Tagayay Sanaag.

 

Alle Ha U Naxariistee Maydka Suldaanka ayaa laga Helay ISaga oo Daadku Geeyey Meesha la Yidhaa Far God Una DhawFaruur lix Kilo Miter na Waqooyi kaga Beegan DacarBudhuq Sidaana Waxa Noo Xaqiijiyey Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo aanu Khadka Telefanka Kula Xidhiidhanay Isaga oo ku Sugan Goobta laga Helay Marxuumka Maydkiisa.

Marxuumka ayaa loo Soo Qaadi Doona Dhinacan iyo Hargeysa Si loogu Aaso , Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayahi Raajiciin .

Bahda Salaanmedia,Waxa Tacsi U Dirayaan Dhamaan Shacabka Somaliland Guud ahaan Gaar Ahaan Reer Hargeysa Ehelka Qaraabada Ubadka Asxaabta uu Ka Baxay Marxuumku Allena Waxaanu uga Baryaynaa In UU Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo Marxuumkana uu ku Waraabiyo Janatul Fardawsa Aclaa. Amiin.

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Togaherer