Dhacdo Xanuun Badan Oo Ka Dhacday wadanka Maraykanka Nin Pakistaani Ah Oo Dilay Wiil Yar Oo Ay Dhashay Haweenay Soomaaliyeed.

Dhacdo naxdin iyo argagax leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Mareykanka ka dib markii uu nin Pakistaan ah uu dilay wiil yar oo ay dhashay haweeney Soomaali ah oo uu saaxiib la ahaa oo ayna wada noolaayeen.

Ninkaan Pakistaanka ah oo lagu magacabo Ummad Rushdi oo 30 sano jir ah ayaa waxaa uu saaxiib la ahaa haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Zaynab Gacal oo 20 jir ah, Haweeneydaan Soomaalida ah oo haysatay ama lahayd wiil yar oo lagu magacaabi jirey Xamza Cali oo 7 bilood jira ayaa waxay isbarteen oo ay xiriir saaxiibtinimana uu ka dhexeeyey ninkaan Pakistaanka ah mudo ilaa iyo bil ku dhow iyagoona wixii intaas ka dambeeyey ay ahaayeen lamaane saaxiibo ah oo uu ka dhexeeya xidhiidh jacayl,

Gabadhan Soomaalida iyo inankeeda ayaa markii dambe u soo wareegay guri ay ku noolaayeen ninkan Pakistaanka ah iyo walaalkii magaalada York ee gobolka Pennsylvania ee dalkaas Mareykanka, Laakiin mashaqadaan ayaa waxay dhacday ka dib markii ay mudo dhawaantan gabadhaa Soomaalida iyo ragaasi ay booqdeen guriga waalidiinta ninkaa Pakistaanka ah iyadoona wixii markaas ka dambeeyey la waayey ninkaa Pakistaanka ah iyo wiilkii yaraa.

Ninkaan Pakistaanka ayaa waxaa uu u sheegay walaalkii Jawwad Rushdi inuu wiilka yaru ku ooyey dbadeed na uu ruxay ka dibna uu miyir beelay oo uu dhintay laakiin booliiska ayaa waxay wali baadi goob ugu jiraan meydka wiilkaas oo la sheegay in lagu aasay dhulka kaymaha jiqda ee ku yal dagaankaa ay joogeen.

Hooyada Soomaaliyeed ee dhashay wiilkaa oo arintaas wel wel ka muujisay ayaa waxay booliiska gaarsiisay waxa dhacay iyadoona ay booliisku falkaas u qabteen ninkaa Pakistaanka ah oo ayna xabsiga dhigeen., Ninkan ayaa sidoo kale waxaa uu mar hore ka jabiyey garabka wiilkaas yar iyadoona hooyadaas Soomaaliyeed damacday inay wiilkeeda ay isbitaal geyso ay u diideen waalidiinta ninkaasi Pakistaanka ah dhalay oo ayna u sheegay inay ayagu guriga ku daaweyn doonaan wiilkaas yar.

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mid naxdin iyo wel wel ku reebtay hooyada Soomaaliyeed ee dhashay wiilkaas ayaa waxaa lagu macneeyey falka uu geystay ninkan Pakistaanka ah inuu ahaa mid ku yimid masayr ama uu ka xumaaday inuu wiilkaa yari mashquuliyey oo uuna dhib ku noqday xidhiidhka u kala dhexeeya hooyadaa Soomaaliyeed iyo ninkaa.

Ninka Pakistaanka ah oo ahaa nin ay isha ku hayeen FBI dalka Mareykanka asaga oo looga cabsi qabo falal argagaxisanimo ayaa waxaa kale uu yahay nin gaangister ah oo dhowr jeer oo hore xabsi iyo maxkamad soo marey iyadoona lagu soo eedeey falal ay ka mid yihiin dhac, tuuganimo, baabuur ka xayn asaga oo aan lahayn ruqsada baabuur wadida ama driver license iyo hanjabaad uu u geystay sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska magaalada Philadelphia ee dalkaas Mareykanka, Ninkan ayaa hada waxaa uu ku jiraa xabsiga asagoona la sheegay in lagu siin dayn karo lacag damiin ah oo gaadhaysa ilaa iyo 750,000 oo doolar.