Dhalinyarada Reer Saaxil ee UK Bristol Waxaanu Taageeraynaa Shirka Agabar Ka Furmay,

BAAQ

Dhalinyarada Reer Saaxil ee UK Bristol Waxaanu Taageeraynaa Shirka Agabar Ka Furmay, Boqor Buurmadow Waxan Leeyahay  Shirka Waa Lagu Soo hadalqaadayaa Arrinta Muuse Iyo Samaale, Idinkuba Shirkii Gar-arag Waxaad uga Hadasheen Arrinta Saleeban Gaal iyo Siilaanyo Mana Burburin Shirku, Kana Kii Uunbuu La midyahay:

 

 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan, waxaa kale oo aan salaamayaa Shacbiweynaha reer Somaliland.

 

Waxaanu taageero mugleh halkan uga diraynaa anagoo ah Dhalinyarada Beesha reer Saaxil Shirka Beesha Sacad Muuse ee ka furmay deegaanka Agabar, waxaanu idiin rajeynaynaa in shirkiina uu noqdo mid aad ku najaxdaan, ayna ka soo baxaan wax danta reer Somaliland iyo dantiinaba ku jirto oo idinka iyo umada reer Somaliland qayr u ah. Taageeradaa ka dib waxaan jeclahay in halkan ugu jawaabo ninka Boqor Buur madow la yidhaahdo oo ka hadlay wax aan waxba ka qusayn.

 

Boqor Buurmadow oo Waraysi Siiyay Website Somalilandtoday.com ayaa wuxuu ka hadlay Shirka Agabar, wuxuuna yidhi shirkaa hadii lagu soo hadal qaado arrimo siyaasadeed siiba arrinta Mujaahid Muuse Biise iyo Wasiir Samaale  wuu burburayaa Shirkaasi.

 

Hadalkaasi waa mid ku gaf ah Shirka Agabar iyo Beesha Sacad Muuseba, sababtoo ah isaga wax ka galay ma jirto waxa shirka looga hadlayo, waana faragalin qaawan oo uu farogaliyey shir beel kale oo aan ahayn beeshiisa ay qabsatay. Haday siyaasad ka shirayaan iyo hadii kaleba waxay u taalaa Beesha Sacad Muuse.

 

Buurmadow waxaan leeyahay Shirkii Gar-adag ee beeshaadu ku shiraysay waxaa cid walba ogeyd in aad arrimo siyaasadeed ka shirayseyn qaasatan  Saleebaan Gaal oo  Guurtida Haysta iyo Siilaanyo oo xisbi mucaarad ah haysta aad isugu keenteen, waqtigaa  cida masoo faragalin shirkiina, beelaha kalena ee reer Somaliland kamaynan hadal Shirkiina iyo Waxa aad uga hadlaysaan, adiguna xaq uma lihid in aad ka hadasha shirkan Sacad Muuse waana faduul qaawan, arrintaas waa kaaga digayaa Boqorbuurmadow waxaan kale oo aan uga diyaa Xukuumada Siilaanyo oo iyaduna ayaamahan Faragalin weyn ku haysa shirkaa Agabar.

 

 

 

Mr. ABDULQADIR MOHAMED ABDULAHI

UK  Bristol

qaadiro1980@hotmail.com