Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Digniin Digniin Digniin

image

DIGNIIN – DIGNIIN – DIGNIIN !!!

MARKA HORE WAXAN LEEYAHAY DHAMMAAN UMMADDA REER-SOMALILAND “CIID WANAAGSAN”. MAR LABAAD WAXAN HALKAN DIGNIIN IYO BARAARUJIN UGA SOO JEEDINAYAA UMMADDAYDA AAN JECLAHAY EE REER-SOMALILAND IN AY KA WAANTOOBAAN MAALMAHA FARXADDA SIDA CIIDAHA IYO MUNAASABADAHA KALEBA IN AY FARXADDU ILLOWSIISO ALLA-KA-CABSIGA OO XADKA IYO XARRIIJIMAHA CAS-CAS EE SHARCIGA ISLAAMKA KA TALLAABAAN, IYAGOO AAD ARKAYSO IN MEELAHA LA ISUGU YIMAADDO EE XAFLADAHA LAGU QABANAYO AY SI XUSHMADDA IYO ISLAANNIMADA KA BAXSAN AY RAGGA IYO DUMARKU ISUG DHEX-MILMAYAAN IYAGOO DABADA WADA LULAYA, MARARKA QAARKOODNA DHEXDA IS-QABSANAYA. RUNTII WAA ARRIN AAN HABBOONAYN OO AANAY DIINTEENNA SUUBBANINA INNOO JIDAYNNIN, WAXANA WAAJIB AH IN LAGA WAANTOOBO FICILLADAA QARDO-JEEXA AH EE UU SHAYDAANKU DHALLINYARADEENNA U QURXINAYO.

HADDII SIDAA LAGU SII WADO OON DHAKHSO LOO JOOJIN, WAXAY INNOO HOR SEEDI KARTAA IN CIQAAB ADAGI XAGGA EEBBE INNAGAGA TIMAADDO, TAAS OO AAN SI GOONI AH UGU DHACAYN KUWII FALALKAN FOOSHA XUN KU KACAY, LAAKIIN DHAMMAAN UMMADDA WADA SAAMAYSA OO QOYAAN IYO ENGAYGBA DABADA U ROGTA.

WAXAN KU SOO KOOBAYAA NIMCADAA EEBBE INNA SIIYEY EE AMNIGA IYO HORUMARKABA AH MAHAD-NAQEEDU SIDAA MAAHA EE WAA IN LA FARXAA LAAKIIN AAN XADKA IYO XAYNDAABKA DIINTEENNU INNOO JEEXDAY AAN LAGA GUDBIN, WAXANA SHACAB IYO XUKUUMADBA INNAGU WAAJIB AH IN QOF WALIBA UU KAALIN MUG LEH KA QAATO SIDII LOO JOOJIN LAHAA ARRINTAA AY CAAQIIBADEEDU AADKA U XUNTAHAY UNA XANUUNKA BADANTAHAY.

GUUL IYO GOBANNIMO – SOMALILAND HA JIRTO.

Fareh Abdu Mohammed<farehabdu@yahoo.com>

 




Leave a Reply