Dowladaha Somaliya Iyo Kenya Oo Ka Hadlaya Dib U Celinta Qaxootiga Somalida

Aug 2,2013 Muqdisho(SM) Xeryaha Dhadhaab ayaa la sheegay in qaxootiga ku jirta ee Soomaalida dib loo celin doono Soomaaliya, iyadoo qaxootiga halkaasi degen ay diidan yihiin.

Xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 500 kun oo qof, waxaana halkaasi ku nool Soomaali badan oo halkaasi kusoo noolaa muddo gaareysa 20 sano.

Waxaa hada bilowday wadahadal dhexmaray Dowlada Soomaaliya iyo tan Kenya oo ka munaaqashoonaya sida qaxootiga dib loogu celin karno.

Dowlada Soomaaliya ayaa lagu dhaliilayaa si weyn inaysan qorshe cad usoo bandhigin qaxootiga, iyadoo hadalada kasoo baxaya dowlada Kenya lagu sheegaya in Dowlada Soomaaliya ay codsatay in lasoo celiyo qaxootiga.

Muxuu yahay Mawqifka Dowlada Somaaliya?

Waxaa illaa iyo hada cadeyn mawqifka dowlada Soomaaliya ee Qaxootiga oo warka ay saxaafada siinayaan iyo warka laga soo xignayo dowlada Kenya ay aad u kala duwanyihiin.

“…Dowlada Soomaaliya ayaa codsaneysa in shacabkeeda dib loogu soo celiyo…” ay jawaabta kasoo baxday dowlada Kenya, xili dalka Soomaaliya amaankiisa uusan ahayn mid sugan, isla markaana qaxootiga Soomaalida ah ay kasoo horjeedaan in xiligan dalkooda lagu celiyo iyagoo aan wax balanqaad ah u heysan dhanka amni iyo nolol.

 

Salaanmedia/Mogdisho