Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga ay qabaneyso shirweyne Qaran oo Muqdisho ka dhacayo

news

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay qabaneyso shirweyne qaran oo dib uheshiisiin ah oo looga hadlayo siyaasada dalka Soomaaliya sidii looga qeybgalin lahaa Bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisoow oo Wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qaban qaabada shirkaasi hada ay wado Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada in ujeedada shirkaasi ay tahay sidii shacabka Soomaliyeed looga qeybgalin lahaa siyaasada dalka Soomaaliya iyo sidii latashiyo loogala sameyn lahaa arimaha ammaanka dalka.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yidhi“Dowlada Soomaaliya waxa ay qorsheynaysaa in Biloowga Bisha September Muqdisho lagu qabto shirweyne qaran oo dib u heshiisiin ah arrimaha siyaasada gaar ahaan sidii loo meelmarin lahaa wixii lagu balamay oo ah in wadankan ay ka dhacdo doorashooyin xor ah”

“Shirka Muqdisho ka dhacaya ujeedooyinkiisa waxa uu yahay in dowladu ka qeybgeliso arrimaha siyaasada bulshada Soomaaliyeed’’ Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka madaxtooyada Eng. Yariisoow.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku mashquulsan shirar badankooda ka dhacay dalka dibadiisa,iyadoo Bisha Septemper 16 uu shir ka dhacayo dalka Belguimka,kaasi oo looga hadlayo arimaha dalka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku micneenaya in shirarka tirada badan aysan waxba soo kordhineyn balse Dowladda Xasan Sheekh laga rabo wax qabad muuqda.

Salaanmedia/Mogdisho