Eng Faysal Cali-Waraabe Oo Maqaal Xiise Badan Ka Qoray Sooyaalkii Madaxweyne Cigaal‏

 faysal

Guddoomiyeha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali Waraabe oo uu Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhistu wax ka weydiiyay inta uu ka ogyahay iyo kaalintii uu Qaranka Somaliland iyo Soomaalidaba ku lahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Alle ha u naxariisto’e Madaxweynihii Labaad ee Somaliland ayaa weydiintaas kaga war-celiyay maqaal aad u xiiso badan oo uu kaga warramay doorkii, waxqabadkii iyo summadihii dadnimo ee Marxuum Cigaal. QormadaGuddoomiyeha Xisbiga UCID ayaa u dhignayd sidan:

“Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa aan qabaa in uu yahay siyaasiga keliya  ee heer caalami ah ee illa hadda Soomaalidu leedahay.

 

 

Cigaal waxa uu siyaasadda galay kii yoo dhallin yar ah, wuxuu noqday Ra’iisal Wasaarihii dawladdii Somaliland ee saqiirtay 26kii Juun/1960-kii  isaga oo ah 32 jir keliya. Cigaal waxa uu madax ku noqday xisbigii SNL oo ahaa xisbigii ugu weynaa saddexdii xisbi siyaasadeed ee u soo halgamay madaxbannanidii Somaliland oo kala ahaa SNL, NUF IYO USP. Taariikhdu waxay dhigtay Cigaal maqaamka madaxdii waaweynayd ee Afrika xukunkeeda qabtay markii gumeystayaasha Yurub ka hulleeleen Afirka (Post Colonial African leaders), sida Nasir, Nakruma, Keneyatte, Sankor, Nayareere.

 

Cigaal waxa uu Sameeyey 1964-kii xisbigii SNC isaga oo walaaleeyey qaar ka mid ah beelaha Woqooyiga iyo Koonfurta Jamhuuriyaddii Soomaaliya isaga oo isbahaysigaa u bixiyey IRIR, oo maanta dad badani oo haystaan abtirsiimo. Irirism waa xulufo siyaasaadeed. Cigaal markii uu helay waddo ka dhaw in uu gaadho kursiga awoodda badan ee dalka oo ahaa jagada Raiisal waasaraha, waxuu ka baxay xisbigii oo sameyey ee SNC waxaanu ku biiray xisbigii kale ee oo ka soo horjeeday SYL.

 

SYL waxaa sameeyey dawladdii Ingiriska ee dagaalkii labaad ee dunida dabadeed doonaysay in ay dhammaan dhulka Soomalidu ku dhaqantahay ee Geeska Afrika ay xukunkiisa gacanta ku dhigto. Hoggaanka SYL waxa uu gacanta ugalay reer Puntland iyaga ayaana ka talin jiray  illaa iyo 1969-kii  oo kacaankii Af-weyne mamnuucay.

Cigaal waxa uu heshiis la galay Reer Puntlandkii (Majeerteen) awoodda badnaa ee Soomaaliya, halka waxa uu ku la heshiiyey in iyaguna qaataan jaagada madaxweynaha, Isaaq na qaato jaagada awoodda leh ee Raiisal Wasaaraha.

 

Bishi Juun, 1967-kii, baarlamaankii Jamhuuriyaddii Somaaliya waxa uu Raiisal Waasare u doortay Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal, waa markii u horreysay uguna dambeysay oo qof ka soo jeeda Somaliland madax ka noqdo xukummadaha Soomaaliya.

 

Cigaal waxuu taariikhda ku galay heshiiskii Arusha ( Arusha Declaration) 1968, Hehiskaas oo lagu soo afjaray dagaalladii u dhexeeyey Kiiniya iyo Soomaalidii Kiiniya, goballadii loo yaqaanay NFD- Northern Frontier Districts. Dagaalladaa oo salka ku hayey in gobolka lagu soo daro Soomaaliya iyadoo la fulinayo himiladii Soomali weyn ee shanta qaybood ee Soomalidu ka deggantahay Geeska Afrika la isku keeni lahaa calanka Soomaaliya hoostiisa. Dagaalladas oo dawladihii ka horreeyay ta Cigaal gacan militari siin jireen maleeshiyada Soomalidd=a, dhaqaalaha dalkana ku hayey culays weyn.

 

Siyaasaddii muddada dhaw iyo wakhtiga dheer ee Cigaal loona yaqaannay (Short time policy and Long time Policy) ee soo af-jartay dagaalladaas Kenya, waxaana ka faaiidaystay  dadkii Soomaliyeed ee reer Kiiniya oo helay nabad iyo horumar, maantana ka muuqda talaada dalka Kenya.Cigaal markaynu eegno saameynta uu ku lahaa Somaliland, waxaan qabaa in taariikhda  cusub ee Somaliland iyo magaca Cigaal ay isku tidcanyihiin sida timaha.

 

Waxaa u ahaa hoggaankii gobanimadoonka Somaliland, waxuu aha ninkii kaliya ee markiiba arkay in danta reer Somaliland aanay ku jirin midow aay la sameyso Soomaaliya – waa ninkii muusannaabay ee yidhi ( waar ummul baa la ummul biixiya ee aaynu muddo sugno).

 

Marxuum Cigaal haddii aanu iman lahayn 1993 Somaliland, marna may suurtagasheenn in aay siyaasiinti SNM heshiiyaan oo ay taabba-geliyaan  qaranka Soomaliland. Siyaasiinti SNM oo ku guuldarraystay in aay dhisaan jabhad qorshe leh oo dalka hoggaamisa faqash kaddib, taasina keentay inay dhallinyaradii hubaysnayd iska hortimaaddo, umay suurta gasheen in aay sees qaran dhisaan.

 

Dagaalladii markiiba ka bilaabmay magaalooyinka Burco iyo Berbera 1991-1992kii marna may dhammaadeen haddii aanu Illaahay inoo keenin Cigaal, guurtidiina Illahaay waafajin in ay madaxweynaha u doortaan. Somaliland na waxay yeelaan lahayd hoggaamiye kooxeedyo (War Lords). Haddana  haddii aanu Cigaal madaxweyne ahayn Somaliland kama ay soo hadheen dalgaalkii Sokeeye ee 1994- 1996ki.

 

Cigaal waa halyeygii inoo dhisay waxaynu maanta haysanno sida haayadaha qaranka, baasaboor, lacag gaar ah, calan qaran, astaan qaran, dastuur qaran, wax allaale iyo waxii qaran laha. Cigaal waxa uu ahaa nin deeqsi ah, waxa aan odhan karaa nabadda Somaliland wuu inoo iibiyey, waxa uu ahaa nin aan qabiili aheyn, nin xarrago badan, dad yaqaan, aan illaabin kii wax yeelay, isla markaana abaal leh.

 

Cigaal waxuu ahaa min aan dhaqaale ka sameysan awoodda, laakiin waxa uu doono ku bixiya in uu gaadho hankiisa.Taa waxaa ka markhaati kacaysa siduu u ibiiyey hantidii aabihi uu ka dhaxlay markii halgankii gobanimadoonka, iyo sida il hadda aan daarihii ka hadhsanaa hantidi aabbihii ay u dayactir la’ yihiin illa maanta , waxaa kale oo ah in la xuso Cigaal inaanu shilin uga dhiman xaaskiisii iyo carruurtisii midna.

 

 

Ilaahay ha u naxariisto Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal, inagana ha inna siiyo Cigaallo badan”

Tebinta iyo tifatirka

 

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Email: saedmgahair@hotmail.com