Faallo: ‘Gurmashadu markay ku Hab-samayd waad Gilgilateene, Annana Geesinimo Noo Tartiyo Garab-ku-taaglayn’: W/Q: Xasan-Keefkeef

Faallo: ‘Gurmashadu markay ku Hab-samayd waad Gilgilateene, Annana Geesinimo Noo Tartiyo Garab-ku-taaglayn’: W/Q: Xasan-Keefkee

 

‘Gurmashadu markay ku Hab-samayd waad Gilgilateene,  Annana Geesinimo Noo Tartiyo Garab-ku-taaglayne’

Bismillaahi waa kow, Quraankay birlab u tahay, Bidhaantiisa hadalkana, Bariiday u tahay  u tahay Nuxur…..Hor iyo Horaanba aan ku ballaysimo Qormadeenna Salaan gobeed iyo qalin ku suntan dib u curashada yididiiladdii naxashka saarnayd, gaar ahaan Taageerayaashii iyo Akhristayaashii macmiilka u ahaa HMN. Bariido iyo Bogaadin ku dhereran dib u gardaadinta kaalintii Wargeysku kaga jiray Saaxadda Siyaasadda iyo tebintii wararka wacyiga jira ka turjumayay ayaanu idiin soo gudbinaynaa.  Weedha Bahda wargeyska HUBAAL ay Hawada U Marinayso akhyaartii Hiilka iyo Hoo-daba ah la soo garab taagneyd Maalmihii Halganka xayiraad-ka-qaadista aanu ku jirnay, waxaanu idin leenahay Asxaabeey: “Gacmihii Walaalaha Ahaa waysku Gunuddeene Gurmashadu markay ku Hab-samayd waad Gilgilateene Annana Geesinimo Noo Tartiyo Garab-ku-taaglayne.”

Dhammaanba Madaxdii, Aqoonyahankii, Indheer garadkii, Saxaafaddii iyo cidkasta oo Taageero Hiil iyo Hooba ah la garab istaagtay xilliyadii xayiraaddu saarnayd wargeyska Hubaal waxanu leenahay saaxiibayaal abaalkiinu ma ah mid aanu hilmaansan-nahay, waana mid taariikhda idiin galay oo aanaan ilaawi Karin. Qalinku Maanta Waxba is dul taagi maayo sidii wax u dhaceen iyo hayaankii Bahda Hubaal u mareen Xorriyada Hadalka, Waxaanu Filaynaa run ahaanna aanu Aaminsanahay inaad ka dheregsan tihiin qaabkii ay muddada dheer u xayirnayd Jariiraddu iyo Jarkii lagala dhacay, Alla Mahadi ha ka gaadhee wax kastoo dhacay Maanta Waa laga nool yahay,

Waxaa Mudan in aanu halkan uga mahadnaqno indheer-garadkii sida farshaxannimo, garasho-dheerayaashii, iyo Ash-khaastii ka dhiidhiyey tacadigii  soo maray Hubaal. Aan Idhaahdo, Nuxurkana ku soo afmeero Tuducyo ka mid ah Gabay Qiimo badan lahaa oo ka mid ah Suugaantii dhaxal ahaan uu innooga tegey Alla ha u naxariistee Abwaan Xaaji-Gabay Xaddi oo Taariikhdu Xusto in Horraantii Qarnigii tegey uu ku noolaan jiray Bariga Somaliland.

Gabaygan oo sida midhahiisa ku cad xambaarsan murti culus wuxuu kamid  yahay suugaanta ma guuraanka ah ee xilli kasta iyo Meel kasta lagu dabaqo Nolosha Bulshadeena. Waa Gabay Hal-ku-dhegiisu yahay ‘Beerka ka Ogsooni’, Macnihiisana Idinkaan idiin dhaafayaa ee dhugasho wacan, Waxaana ka mid ah tuducyadiisa, sidan:

an keefkeefBowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa

Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye

Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey

Bah-Sadhaysna “baga” inay i tidhi, beerka ka ogsooni

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey

Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey

Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu

Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego

Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah

Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .

 

 

Allaa Mahad Leh

H. H. Abdillahi (Keefkeef)

HUBAAL Editor-in-Chief

HUBAAL Media Network (HMN)

Hargeysa, Somaliland

Mrkeefkeef@gmail.com

Hubaal100@gmail.com