Gaadhi Nuuciisa aan horey loo arag markaad doontana aad laa laabi karto oo lasoo saaray(Daawo Sawirada)

Mac-hadka cilmiga Tiknolojiyadda casriga ah ee dalka South Korea, ayaa soo saaray gaadhi (baabuur) kii ugu horeeyay noociisa ah, waxaana suurta gal ah gaadhigaan in la duuduubi karo si weyninkiisa loo yareeyo.

Gaadhigaan waxaa loogu tala galay si aad u sahlan in loo adeegsado — waqtiga badan aan lagu dhamayn marka la doonayo in goob la dhigo [Parking], waxaa uuna ka fudud yahay gawaadhida caadiga ah.

Waxaa xusid mudan, gaadhigaan in uusan u ekeyn gawaadhida la yaqo ama horay dunida looga is ticmaali jiray.

Wargeyska TG Daily, ayaa qoray gaadhigaan (oo loogu magac darayArmadillo-T) weyninkiisu kala bar yaraanayo (marka la laalaabo) waxaana cabirkiisu caadi ahaan uu yahay 2.8 Mitir. Marka la isku laalaabo wuxuu noqonayaa 1.65 Mitir.

Mac-hadka sameeyay gaadhigaan, wuxuu cadeeyay marka la laalaabo (gaadhiga) aanan loo maleyneynin gaari.

Salaanmedia/Mogdisho