Gabadha Modelka ah ee reer Britain Carley Watt oo qaadatay Diinta Islamka kadib markii fasax dalxiis ah ay ku tagtay dalka Tunisia.

Gabadha Modelka dharka xayeeysiisa ee reer Britain Carley Watt oo 24 jir ah ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay gabi ahaanba  qaadatay Diinta Islamka ka dib markii ay fasax ay ku joogtay dalka Tunisia ay la kulantay Mohamed Salah oo ay xidhiidh guur dhex maray.

Model Carley oo wareysi siisay jariirada The Sun ee fadhigeddu yahay dalka Britain ayaa uga warbixisay sababaha keentay inay qaadato Diinta Islamka waxayna hadalkeedu ku sheegtay wax yaabaha ugu weyn oo ay ku dooratay Diinta Islamka in ay tahay xishoodka.

 

article-0-1B5D2047000005DC-457_634x660article-0-1B5D1DE9000005DC-605_306x545

Carley oo wareysiga sii wadata ayaa tidhi” Waxaan magaalo dalxiiseeda Monister ee dalka Tunisia kula kulmay dhalinyaro fara badan oo Islam ah waxayna ahaayeen kuwo anaga noo shaqeynayay waxay usheqeeynayen dalxiisayaasha iyo nadaafada Hoteelada aanu ka deganeen magaaladaasi waxa isoo jiidatay qaabka xishoodka ku jira oo aysan indhahooda noogu dhameeys tiri kari waayeen.

Waxaan weeydiiyay Mohamed oo kamid ahaa shaqaalaha sababta ay inooga xishoodaan wuxuuna igu jawaabay in Diinta ay haystaan aysan ufasaxin eegista dumar qaawan.isagoo ku macneeyey in ayna ahayn xaaskeyga kadib hadalkaas Mohamed waxaa igu dhalatay in fasaxayga aan wax badan kasoo ogaado Diinta Islamka inkastoo aan UK ku arkay dumar Islam ah oo asturnaa , Mohamed wax badan ayuu iga fahansiiyay waxaana ka dalbaday inuu iguursado wuu iga aqbalay wuxuuna isheegay in marka hore aan qaato Diinta Islamka islamarkaana aan ka dhex baxo nolosha Fashionka oo keliya Jirkeyga uu isaga arki karo dadka kalana aan ka dhowrsanaado.

Waan qaatay go,ankaas waxayna noqotay mid aan ku faraxsanahay waxaan dhawaan isguursanay Mohamed oo aan isbaranay reerkooda iyo qaraabadiisaba waxanan ka dhaxlay kalsooni farabadan.

Salaanmedia/Mogdisho