Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran. Qormadii 1 aad:

Bishii barakaysnayd ee ramadaan ee aynu ka soo gudubnay kowdeedii waxaa magaalada hargeysa lagaga dhawaaqay golaha wada tashiga iyo tooisnta oo ay xukuumada siilaanyona sas ka qaaday sidii mas ay gudkisii biyo ugu soo galeen, jawaab celintii xukuumada siilanyo-na waxay noqotay in la dhaqdhaqaaajiyo mashruuc waji ku macaash ah oo la yidhaahdo warbaahinta ka hadla rag qaarkood ay sheeganayeen xilal aysan cidi u dhiiban oo lagu yidhi waxaad xanbaareysaan golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, mashruucanai wuxuu warbaahinta ka socday bishii barakasynayd ee ramadaan ee aynu ka soo gudubney oo dhan waxaana haboonayd in lacagtii faraha badneyd ee lagu bixiyey mashuucan waji ku macaashka ah in umada wax loogu qabto.

Inta hadii aan halkaa kaga gudbo siyaasiyiinta,madaxda dhaqanka,wax garadka iyo aqoon yahanka Somaliland dhamaantoodba waxay wada taageereen golaha wada tashiga iyo toosinta marka laga reebo raga ay duruufaha gaarka ahi iska hortaageen inay ka mid noqdaan ama ay si cad u taageeraan golaha wada tashiga iyo toosinta.       Hadaba saaxiibayaal aynu u soo gundo degno nuxurka qoraalkeenan oo su’aasha is weydiinta u baahani ay tahay maxaa sababay in waqtigan magaalada hargeysa lagaga dhawaaqo golaha wada tashiga iyo toosinta , su’aashan jawaanteedu wey fududahay umada Somaliland oo dhan hadii aan inshaha xabag lagaga dhajineynin wax qarsoon maaha in uu madaxweyne siilaanyo taagan yahay halkii madaxweynihii tuuniisiya ee xabiib burqiiba oo kale taladii dalkuna ay u gacan gashay dad aan ;a dooran.   Su’aasha labaad ee is weydiinta u baahanina  waxay tahay Somaliland waxay leedahay dastuur cadeynaya sadex hayadood inay jiraan oo kala ah hay’ada fulinta ,hay’ada sharci dejinta iyo hay’ada garsoorka,golaha wada tashiguna wuxuu cadeeyay in uu aqoon san yahay dastuurka Somaliland iyo sadexdiisa ha’yadood  sidoo kalena ma jirto meel uu golaha wada tashigu ku sheegtay in uu yahay hay’ad afraad oo dalka ka jirta sidoo kalena ma jirto qodob dastuurka ka mid ah oo diidaya in dhaliilsha dawlada markaa jirta loo sheegi karo qof qof ama koox koox sidoo kalena ma jiro qodob dastuuri ah oo mabnuucaya in la isticmaali karo ereyga gole oo afsoomaali ahaan meeshii la iskugu yimaado ee arin lagu garfaaynayaba waxaa lagu tilmaamaa gole sida golaha murtida iyo madadaalada,golaha raadyowga iyo telefisyoonka jamhuuriyada jabuuti oo kale.

1

Hadaba saaxiibayaal waxaynu hawada ku kala maqneyn bishii barakasyned ee ramadaan iyo labadii todobaad ee ka horeeyey waxaanan doonayay in aan in mudo ah qoraalka hakiyo sidii Allaha u naxariisteen Abwaankii C/laahi Suldan Tima cade oo sanadkii 1966-kii isku deyay in uu in mudo ah hakiyo gabayga balse markii uu arkay sidii ay wax u socdeen damiirkiisu siin waayay in uu ka indho qarsado wixii uu markaasi arkaayay sidii qabyaalada loo isticmaalayay eexda iyo qaraabo kiilka oo ahayd mid umada oo dhan ku baahsanyed oo ay u sinaayeen ee aysan ahayn mid ku gaar ah koox ama beel sida  hada ka jirta Somaliland oo kale iyo weliba sida raggii markaa ku fadhiyey kuraastii xukuumadii markaa jirtay ay u abaabulayeen colaad ay dhex dhigaan bulshada markii ay dareemeen in ay dadweynuhu iska soo taageen oo aysan doorasho danbe kuraasta ku heleyn iyadoo weliba masuulkii xukuumadii markaa jirtay ay ahayd mid taladu gacantiisa ku jirta.

Hadaba Allaha u naxariistee abwaankii C/laahi Suldaan Tima Cade oo marka hore ka cudur daaranaya umadana u bayaaminaya waxa sabaabay in waqtigii ku talo galkiisa ahaa in uu gabayba joojiyo in uu ka soo hormaro oo uu dib u bilaabo waxaanu Allaha u naxariistee C/laahi Suldaan Tima cade yidi sidan isagoo qaybta danbe ee gabayga ku tilmaamaya cidhib la’aanta ama aayo la’aanta ay qabyaaladu leedahay waxaa uu yidhi.

 

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay     dihashadiisiiye       Dubaaqayga waataan ka jaray         waa fog dabadeede       Shin kastood daleed uga baxdoo      nabar is-diidsiiso       Dibnahaagu shaygay bartaa           waad ku dayataaye           Haddii gole dabbaaldeg iyo farax    loo dalbado maalin       Oo loo duddeeyoo khalqigu           daawasho u joogo       Uu mid aan daryeelini xakame        daamanka u geliyo       Uu duulin orodkuu lahaa             dalacsi siin waayo       Uu cidhibta darrandoorriyuu         duubo madaxiisa       Debcin maayo oo wuxuu ka baqan      inuu ka duulaaye           Haddaad adigu daacuun ku tahay      dooddan iyo baacin       Gacmaha waa ka daayaa ninkii         fuulmo daashade       Jeeroon direyska u gashoon              dibeda soo taago       Daleen aniga iigama tagee                 waa dig siin jiraye           Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo   diirka uga qaaday       Dadka waxaan ogaysiinayaa           dowgu suu yahaye       Soomaaliday dayaya wanaag           idinka doorsoonye           Docda bari, dorooriga baddiyo       Seylac deriskeeda       Dusha koonfureed iyo ilaa             wabiga daaciisa       Degmadeena oo iil haddaan           dayey abwaankeeda       Nimaan duubiyadu naafo noqon        deelka laga waaye           Dul iyo hoosba waan ugu dhigay          waa dixdhagaxeede       Anuunbaa damqanayee dhaguhu         uma daloolaane       Dadkaan la hadlayaa baan lahayn         dux iyo iimaane       Bal inay dalfoof tahay caqliga                 dooni laga saaray       Wixii hore usoo daashaday bay           degashanaysaaye           Doc hadday u wada jeedsatooy        dhowrto danaheeda       Ooy duul walaala  ah tahay ooy      duunka ka heshiiso       Dadka kama yaraateene ways          dabar jaraysaaye       Dubba madaxa wayskala dhacdaa       daa’in abidkiise       Goortay is wada dooxatay baa        daad u soo geliye               Ubadkiinii waad daadiseen                waana dubateene       Dubaaxdiisii waad wada cunteen      duhur dharaareede       Dariiq toosan Soomaaliyey                 waa lagaa deyeye       Darajada Ilaahay ninkii                      doonayaa hela e       Nin ka duday distoorkioy waxyiga       diinti ka carrowye       Dugsi malaha qabyaaladi waxay          dumiso mooyaane           Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo         daynin kala qaadka       Dibaddaan ka joognaa sharciga            daacadda Ilaahe       Danbarkeedu waa Jahannama            iyo dogobkii naareede       Dugsi ma leh qabyaaladi                waxay dumiso mooyaane           Dir dir la isu laayiyo intaan          weerar daba joogno       Ooy dumarku weerkii sitaan          danabadii waayey       Uu sida dureemada u yaal             meydku dibaddiinna       Wallee doogsan maysaan haddaad      dunida joogtaane       Dugsi male qabyaaladi                   waxay dumiso mooyaane

La soco taxanaha danbe ee qormooyinkan

Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur

Tel: 4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland