Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee WADANI, ee dalka Uganda Md Cabdisamad Mustafe Yaasiin,

image

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Ee Uganda Oo Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Ee Minnesota, Kana Hadlay Xaaladda Dalku Marayo

 

Kampala-(SM)- Guddomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee WADANI, ee dalka Uganda  Md Cabdisamad Mustafe Yaasiin, oo todobaadkii  hore ka soo noqday safar shaqo oo uu ku tagay Somaliland,  ayaa hambalyo u diray Md Mahad Axmed Kaahin, oo shalay  si rasmi ah loogu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee xisbiga siyaasiga ah ee WADANI  laantiisa Mininesota ee dalka Maraykanka. sidoo kale waxaa uu  hambalyo u diray Guddomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee WADANI, ee dalka Uganda  Md Cabdisamad Mustafe Yaasiin,


dhamaan  taageerayaasha iyo  hogaanka sare ee xisbiga  siyaasiga ah ee WADANI, waxaanu ku hambalyeeyay madaxda sare ee xisbiga xilkan ay sida sharafta leh ugu igmadeen Md Mahad Axmed Kaahin, oo ah masuul u qalma xilkan loo magacaabay, waxaanu Ilaahay uga baryay inuu u fududeyo gudashada xilkan loo igmaday, sidaana waxa uu ku sheegay mar uu goor dhawayd khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay xafiiska wararka Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee magaaladda Kampala.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee WADANI, ee dalka Uganda  Md Cabdisamad Mustafe Yaasiin, waxa uu si kooban uga warbixiyay socdaalkii u ku tagay dalka Somaliland, iyo marxaladda uu dalku haatan mariyo, isaga oo ku dhalliilay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo inay ka gaabisay doorkii horumarka dhallinyaradda iyo Fursadihii ay xukuumaddu shaqo ugu abuuri lahayd dhallinyaradda dalka oo xooggii iyo muriqii dadka iyo dalka Somaliland laf dhabarta u ahaa horumarkiisa, waxaanu ugu baaqay xukumadda inay si degdeg ah wax uga qabato mashaqadan ku habsatay dhallinyardda.

Ugu danbayn, waxa uu u mahadnaqay dhamaan masuuliyiintii, madaxdhaqameedyadii, iyo aqoonyahanadii iyo dhamaan waxgaradkii ka hawl galay dhexdhexaadinta iyo nabadayntii Labada beelood ee wallaalaha ah ee dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka GOD HEELI.

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI, ee dalka Uganda  Md Cabdisamad Mustafe Yaasiin

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)

Soohaad10@hotmail.com