Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Waddani Oo Ka Hadlay Culayska Cashuuraha W/Maaliyadu Ka Qaado Dekada Macmalka Ah Ee Saylac Iyo Dhibaatoodiyin Uu Sheegay In Xafiiska Socdaalka Lawyacado Ku Hayo Dadka Safra

waddani

Aug 29,2013 Hargaysa(SM) Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani Axmed Mumin Seed oo waraysi khaas ah siiyay Wariyaha Wargayska Haatuf ee gobolka Awdal ayaa dhaliilay nidaamka maamulka ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo siyaasadaha ay ku dhaqanto.

Gudoomiye ku xigeenku waxa uu farta ku fiiqay Wasaarada Maaliyada oo uu sheegay in cashuuro saa’id ah ay ka qaado Dekada macmalka ah ee Saylac shiidaalka ka soo dega iyo xafiiska socdaalka ee magaalada Lawyacado oo uu sheegay inuu dhibaateeyo dadka safarka ah ee iskaga gudba Somaliland iyo Jabuuti. Gudoomiye ku xigeenku waxa kale oo uu intaa caariyey in Cadaadis gaar ah uu Wasiirka maaliyadu ku hayo Gobolka Salal shiidaalka yar ee uga soo dega dadka ganacsatada ah, kaas oo loo isticmaalo ceelasha Biyaha iyo adeegyada lagama maarmaanka ah, wuxuu intaas raaciyay in halkii dadkaasi laga jabin lahaa cashuurta ee dhaqaalahooda kor loo qaadi lahaa ay dawladii dhexe gaar ahaana wasiirkii Maaliyadu rabo in laga guuro amase dadka ka haajiraan dhulkaas, Dalkuna sharic qudha ayuu leeyahay oo Baarlamaanku Ansixiyay, maaha in dekeda Berberana $12 laga qaado Foostada, dekeda Saylac oo aan haysan adeegyadii dekedeed ee ganacsatadu u baahnaayeen amase laga helayay dekeda Berbera oo kale.

Dhnaca kale Gudoomiye xigeenka Wadani wuxuu sheegay in xafiiska Socdaalka ee ku yaal Lawyacaddo uu dadka iskaga gudbaya Somaliland iyo Jabuuti uu ku hayo dhibaato xoogan, sida uu dadka soo galaya amase ka baxaya dalka uu ula dhaqmaana ay keeni karto sumcad xumo iyo xidhiidhka wadamada jaarka oo lala leeyahay oo xumaada, shaqaalaha Kastamka Lawyacadde iyo xafiiska socdaalka Jooga waa in laga bedelaa meesha waayo waxay la mid yihiin shaqaalah kale ee la kala bedelo, mise kuwaas waxaa dhigtay dad gaar ah ayuu waraysigiisa uu siiyay Haatuf ku yidhi G/xigeenka wadani Axmed Muumin Seed.

Sidoo kale wuxuu G/xigeenka xisbiga wadani Axmed muumin Seed wuxuu xusay saluug ka jira dhanka saami qaybsiga golaha wasiirada oo uu sheegay in wasaarado weyd ah loo dhiibo gobolada qaarkood, Wuxuuna yidhi ” Isku shaandhaynaha la sameeyo ma arkaysida Wasaaradaha waaweyn oo lagu magacaabay qof ka soo jeeda G/Awdal maxaa u diiday ee loogu magacaabayaa wasaaradaha weyda ah ee ay ka mid yihiin Wasaarada Beeraha, Shaqada iyo Atimaha bulshada iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta, kuwaasi maxay qabtaan shaqo, maaha wax jira, halkaasi waxaa ka muuqata cadaalad daro iyo nidaamka M/weynuhu ay dhinac u xaglinayaan, waxaanan ognahay in M/weynihii loo doortay dalku aanu nidaamkii maamul gacanta ugu jirin ee shaqsiyaad dhalinyar uu gacanta u galay oo sida ay doonaan wax u dhigayaan, waxaana cad oo muuqata in dalkii ka sii hoos marayo halkii uu taagnaa wakhtigii Rayaale iyo Wakhtigii Cigaal, waxaa badanaya tahriibtii iyo shaqo la’aantii dhalinayarada, waxaa badanaya Ardaydii ka soo baxaysay Jaamacadaha oo aan shaqo Abuur loo sii samayn.

Sidoo kale waxa kale oo dhaliilay G/xigeenka Wadani Axmed Seed M/weyne Siilaanyo xafladaha qalinjabinaha Ardayda jaamacadaha ee uu ka qaybgalo, taaas oo uu sheegay in loo baahan yahay shaqo Abuur inloo sameeyo dhalinta qalinjabinaysa, balse aanay macno samaynayn xaflad lagala qaybgalo Ardaydaasi. Hadalka G/xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed ayaa imanaya xili maalinta Beri ah uu tegayo M/weyne Siilaanyo Qalinjabinta difcadii uGu badnayd ee ka qalinjabisa kuliyadaha Jaamacadda Camuud iyo diyaar garaw loo samaynayo imaatinkiisa Boorama oo Jidadka qaar laga sii dhigay Laami.

Salaanmedia/Hargaysa

Source Haatuf