Gudoomiyaha Ururka Samafalka Ah Ee Gaaroodi Oo Soo Dhaweeyay+Taageerayna Shirkii Turxaan Bixinta Ee Mudanta Beelaha Ciidagale

Gudoomiyaha Gaaroodi Deeq

Axad, August 25,2013(SM)-Gudoomiyaha Ururweynaha Gaaroodi oo siweyn usoo dhaweeyay, taageero buuxdana umuujiyay shirkii doraad hormoodka beelaha Ciidagale ku yeesheen Hudheelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa. Warqad qoraal ah oo gudoomiyaha ururka Gaaroodi Mudane Deeq Cabdi Digaale uu soo gaadhsiiyay Togaherermedia ayaa uqornayd sidatan.

Bismillaahi Arramanirraxeem. Umadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Ururka Samafalka ah ee Gaaroodi waxaa uu taageero mug leh u fidinayaa shirka turxaan saarka ah ee ay isugu yimaadeen maalintii jimcaha kuna beegnayd23/8/2013 hormoodka beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale) qaybahooda kala duwan gogoshana ku soo dhowweyey Suldaanka guud ee beelaha Somaliland gaarahaan Suldaanka guud ee beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale)

Shirkaas oo muhiimad gaara u leh beeshaas guud ahaana dalka Somaliland waa mid qabsoomay wakhti ku habboon lagana dhaxli doona horumar la taaban karo iyo is afgarad waara.

Ururka Samafalka ah ee Gaaroodi waxaa uu soo dhowaynayaa wax kasta oo dalka Somaliland wanaag iyo horumar u horseedi kara.

 

Allaa mahad leh

Guddoomiyaha Ururka Samafalka ah ee Gaaroodi

Deeq Cabdi Digale