Gudoomiye Kuxigeenka Gaaroodi Oo Beeniyey Bayaan Been Abuur Ah Oo Ay ku Darsadeen Dhaliyaro Isku Magacawday Aqoonyahanka Beesha Daaud Garxajis.

news

KU: DHAMAAN BULSHADA REER SOMALILAND IYO CIDKASTA OO AY KHUSAYSO

OG: GUDDOOMIYAHA GAAROODI

OG: GUDDIDA FULINTA, GUDDIDA ANSHAXA IYO GOLAHA GUUD EE GAAROODI

 

 

UJEEDDO: DEEDAFEYN BAYAAN KU-SHEEG BEEN-ABUUR AH 17/08/2013

Aniga oo ah G/xigeenka Ururka Samofalka ah ee Gaaroodi waxa aan halkan ku caddaynayaa in bayaanka la sheegay inay soo saareen dhalinyaro isku tilmaantay aqoonyahanka beesha Daa’uud Garxajis oo lasoo daabacay 17/08/2013, aanu ahayn mid khuseeya ururka Gaaroodi guud ahaan, gaar ahaanna aanan anigu waxba ka ogeyn bayaankaas balse si anshax-darro ah magacayga loogu soo daray liiska. Ururka Gaaroodi waa urur samofal ah kana madhan arimo siyaasadeed IWM sidaa darted xubnihiisuna waa qaar u taagan ka shaqaynta hawlaha samofalka ah ee deegaanka iyo waxbarshada.

Bayaankan oo warbaahinta lagu soo daabacay 17/08/2013 waa mid aanan waxba ka ogeyn kana raalligalinayo bulsho weynta reer Somaliland gaar ahaanna bulshada uu ururka Gaaroodi u adeego. Xubnaha kale ee bayaankaa ku saxeexnaa ayaa gebi ahaanba ah qaar aan la garanayn cid ay yihiin marka laga reebo dhawr qof oo sidan oo kale laga been abuurtay, waxaanay u egtahay tashuush umadda lagusoo dhex tuurayo danaha beesha Daa’uud Ismaaciilna lagu wiiqayo, balse arrintaasi marnaba suurogelimayso.

Waxa aan bulshada u sheegaynnaa in ay ka digtoonaadaan dadka falalka noocan oo kale ah wada ee magacyada dadka ku qadhaabta iyaga oo aan ogolaansho ka helin.

Allaa Mahad Leh.

Cabdiraxmaan Xasan Nuur,

G/xigeenka Gaaroodi,

Burco, Somaliland.