Halkee bey marayaan wada hadalada Addis Ababa iyo qodobada ugu adag oo maanta laga hadlayo

Daawo Kismaanyo oo ciidamadda Aminson ay ka qadeen Video

Wada hadalo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Kismaayo ayaa ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo labadii maalmood ee u dambeeyay ay wada hadalada ahaayeen kuwo marba marxalad soo gaarayay.

Inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayeen wada hadalada ayaa hadana waxaa jira qodobo qaar oo la isku mari waayay, kaasoo natiijada wada hadalka la filayay in maalin ka hor ka soo baxaan dib u dhigay.

Wada hadalada ayaa dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa hogaaminayay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir, waxaana xubno ka ah Agaasimaha Madaxtooyada Kamaal Gutaale, Sanbaloolsha oo ah Safiirka UK dowladda u magacawday, La taliyaha Madaxweynaha Nuur Diinaari, Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa dhinaca Maamulka Kismaayo hogaaminayay Axmed Madoobe oo hogaamiya garab ka mid ah Maamulka Jubaland, xubnaha maamulkiisa iyo siyaasiyiin horay xukuumadihii KMG ahaa xilal uga soo qabtay.

Warar ay heleyso Salaanmedia  ayaa sheegaya in qodobada ugu culus maanta laga doodayo, iyadoo ilaa iyo hada qodobo qaar la isla meel dhigay, hase ahaatee aanan la saxiixin.

Qodobada markii hore la isku hayay ayaa waxaa ka mid ahaa dowladda ay aqoonsato Jubaland, Calankeeda, iyo dastuurkeeda, hase ahaatee la isku khilaafay, balse dowladda ay cadeysay in Jubaland arrinteeda meel la dhigo, laguna dhawaaqo Maamulka Jubooyinka iyo Gedo.

Waxaa kaloo qodobada ku jira in Ciidamada la dagaalamay Axmed Madoobe iyo saraakiisha laga qeyb geliyo maamulka, isla markaana la isku dhafo ciidamada, waxaa kaloo arrinta ugu adag ka taagan tahay aqoonsiga Maamulka, inkastoo xubnaha ergada dowladda ku adkeysanayaan in taas dib loo dhigo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in Axmed Madoobe si KMG ahaan u hogaamiyo Maamulka Jubooyinka iyo Gedo, ugu yaraan muddo labo sano ah, sidoo kale Madaxweyne kuxigeenkana lagu badalo mid ka mid ah dhinacyadii isku hayay magaalada, waxaana la saadaalinayay wiil uu adeer u yahay Barre Hiiraale.

Inkastoo wali aanay wax natiijo ah ka soo bixin, wada hadaladuna ay yihiin kuwo sii dheeraanaya ayaa mar waxaa la sheegay inuu ku sigtay in lagu kala tago, hase ahaatee dadaalo ay sameeyeen IGAD oo garwadeen ka ah shirka lagu guuleystay in la sii wado.

Wada hadalada ayaa kama dambeys la filayaa inay ka soo baxaan war murtiyeed labada dhinac ay saxiixaan, waxaana hadba heshiiska yahay sida ay labada dhinac isku raacaan qodobada adag ee hor-yaala wada hadalada.

 

Salaanmedia/Mogdisho