Hamblayada Munaasibadda Ciidda ee shirkadda Dahabshiil

Ciid Mubarak

 

Aniga oo ku Hadlaya Magaca Maamulka Shirkadda Dahabshiil waxaan hambalyadda Ciidal Fidriga u dirayaa;

Dhammaan macaamiisha shirkadda, maamulka, wakiillada iyo hawlwadeenadda shirkadda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaanba.

 

Waxaan idiin rajaynayaa Insha Allaahu in ciiddan teeda kale ku gaadhaan barwaaqo, nabadgelyo, caafimaad-qab iyo cibaado suubban, Ilaahayna (SWT) ha idinka abaalmariyo acmaashii saalixa ahayd ee aad soo gudateen bisha barakaysan ee Ramadaan.

Abdiraxmaan Cali Cabdi

CEO, Remittance and Money Exchange