Hawada sare ee Ex-Somalia waa hanti la wada leeyahay, sidaa daraadeed Somaliya ma wada qaadan karto, Somalilandna kama wada qadi karto!!

Sida aynu wada ogsoonahay, dalkii Somalia la isku odhan jirey waxa uu ku yaallaa goob muhiim/istraatiji ah. Hawadiisa sare waxay marin cireed u tahay, diyaarado badan oo isaga goosha Qaaradaha Afrika, Asia, Bariga dhexe, Bariga fog iyo Jasiiradaha iyo dalalka yar yar ee ku yaalla Badweynta Hindiya.

Baarjeex

Sida aan ka soo xigtey warbixin lagu daabacay Wargeyska “The NewYork times” 14. April.2011ka, maalin kasta hawada Ex-Somalia waxa mara 90 diyaaradood oo badankoodu ah kuwa waaweyn ee loogu talogalay safarada dhaadheer “Long-haul flights”. Shirkadaha diyaaradaha ee sida joogtada ah u isticmaala hawada sare ee EX-Somalia waxa ka mid ah Air France flight number AF3518 oo safarkeeda ka soo bilowda Paris iyada oo ku sii jeeda Jasiirada Fransiisku ku leeyahay badweynta Hindiya ee la yidhaahdo Réunion, El Al flight Number LY81 oo ka soo kicitinta Tel Aviv una gooshta Bangkok, Thailand iyo Emirates Airlines flight number EK0765 oo ka duusha Dubai kuna jeeda Johannesburg, South Africa. Mid kasta oo ka mid ah diyaaradahan, hay`ada CACAS ee gacanta ku haysa hawada Somalia waxay ka qaadaa lacag dhan $275 Dollar. Isugeyn lacagta 24kii saac ka soo xerootaa waa $24,750, taas oo bishii noqonaysa $742,500, halka ay sanadkiina tahay $8,910,000.

Sida aan hore u soo tilmaamay, CACAS waxay si fool xun ugu takrifaleen hantidii Soomaaliyeed ee ka soo xerootay isticmaalka hawada EX-Somalia. Waxa ka taajiray shakhsiyaad badan oo ajaanib ah oo mushahar buuran iyo gunooyin shilshilis muddo dheer qaadan jirey.

Sidaa daraadeed, Somaliland iyo Somaliya waxay isku mowqif ka ahaayeen la soo wareegida hawadii Somalia, dawlada Somalilandna waxay muddo dheer kala shaqeynaysey Somaliya arintaas, iyada oo la qabtay kulamo iyo shirar badan oo ka kala dhacay Nairobi iyo Montreal, lana sameeyey guddi wadajir ah oo diyaarisa sidii CACAS looga soo wareejin lahaa hawsha ay hayaan.

Hadaba, arinta oo halkaa maraysa ayuu bishii May 2013ka Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Boostada iyo Gaadiidka dowladda Federaalka Soomaaliya Md. C/laahi Ciilmooge Xirsi heshiis uu kula soo wareegayo hawadii Somaliya la saxeexday ICAO, isaga oo ku dhawaaqay in marka la gaadho bisha 1aad 2014ka ay Somaliya si

buuxda ula wareegi doonto maamulka hawada sare, lagana maamuli doono magaalada Muqdisho.

Dabcan, Dawlada Somaliya way ku saxsan tahay, gar iyo sharciyadna way u haysataa la soo noqoshada maamulkii hawada sare, waana arin muddo dheer la sugayey. Talaabadani waxay kor u qaaday sumcada dawlada Madaxweyne Xasan hogaaminayo iyada oo loo arkay Wasiirkiisa Warfaafinta Mr. Ciil-Mooge halyey Qaran – waa marka laga hadlayo dhinaca Somaliya,.

Hase yeeshee, dhinaca Somaliland arintu sidaa way ka duwanayd waxaana muuqatay inaanay dawlada Somaliya haba yaraatee tixgelin siinin wada shaqayntii hore ee ay wada lahaayeen labada dhinac, taas oo looga arkay dhinaca Somaliland inay Somaliya ku talaabsatay is muquunin iyada oo ka faa`iideysanaysa sharciyada caalamiga ah maadaama aduunweynuhu ictiraafsan yahay Somalia.

Isaga oo ka falcelinaya go’aankaa ICAO gacanta ugu galisay maamulka hawada sare dawlada Somaliya, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland waxa uu amar ku bixiyey in duulimaadyada Qaramada Midoobay soo geli karin Hawada Somaliland, diyaaradaha ay leedahay UNtu ee fadhiya Madaaraduna duuli karin ilaa amar danbe, isaga oo intaa raaciyey in laga bilaabo25/7/2013 Somaliland ay si toos ah u maamulan doonto Hawadeeda iyo Madaaradeeda. Halkaa waxa ka aloosmay khilaaf iyo muran cusub.

 

Hadaba, haddii aan u kitaab-furo murankan maamulka hawada sare ee u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, arinku waxa uu leeyahay laba weji; mid caalami ah iyo mid lama dhaafaan ah. Halkaa aan cadeeyo. La iskuma hayo inay Somaliya sharciyan tahay cida keliya ee wax laga weydiiinayo hawadii Somaliya, isla markaana heshiisyo laba geesood ah “Bilateral Agreements” oo khuseeya avaitionka sida kuwa loo yaqaano “Air Services Agreement” la saxeexan karta dhamaanba dalalka aduunweynaha. Taasi waa marka laga hadlayo shuruucda caalamiga ah ee Aviationka.

Hase yeeshee marka la eegayo waaqica iyo xaalada dhabta ah ee jirta “The facts on the ground” Somaliya gacan kuma hayso Somaliland, taa macnaheeduna waa heshiis kasta oo Somaliya gasho oo diyaarad ogolaansho loogu siiyo inay ka degto garoomada Somaliland uu yahay mid aan fuli karin ilaa ogolaansho laga helo Somaliland.

Xaaladan muran ee ka dhex aloosan Somaliland iyo Somalia waxay shabahdaa xaaladii ka jirtey dalka Ciraaq horaantii sagaashanaadkii. Dhinaca Waqooyiga ama dhulka loo yaqaano Kurdistan waxa ka dhisan Maamul ka madax banaan dawlada dhexe ee Ciraaq ee xarunteedu tahay Baghdad balse aan haysan ictiraaf dawli ah. Waxa duulimaadyo caalami ah ku taga magaalooyin badan oo ku yaala Kurdistan sida Suleimaniyah iyo Erbil, diyaarado badan oo ay ka mid tahay shirkada Austrian Airlines kuwaas oo ogolaanshaha degitaanka (Landing Permission) ka qaatay xukuumada Kurdishka, arintaas oo dawlada dhexe ee Ciraaq ka cadhootay balse awood ay ku joojiso aanay lahayn. Aakhirkii arinkaa waxa lagu xaliyey xeer hoosaad iyo isfaham kaas oo dawlada dhexe ee Ciraaq ay ansixisay heshiisyadaa si loo waafajiyo shuruucda caalamiga ah. Job done!

Sidaa daraadeed, marka la eegayo xaalada dhabta ah ee ka jirta dhulkii Somaliya la isku odhan jirey, Somaliya ma fulin karto mana damaanad qaadi karto in diyaaradaha ay ogolaanshaha siisaa ka degi karaan garoomada Somaliland, balse cida ogolaanshaha noocaas ah bixin kartaa waa Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland. Sidaa daraadeed, heshiis iyo isfaham Soomaalinimo waa lagama maarmaan.

Marka ay timaado fulinta iyo meelmarinta heshiisyada hawo-marista ama waxa loo yaqaano “Freedoms of the Air” oo ah 7+2 qaybood oo kala duwan, Somaliya waxay awood u leedahay oo keliya inay bixiso ta koowaad ee loo yaqaano “First freedom of the Air” oo macnaheedu yahay inay Somaliya ogolaansho siin karto diyaaradaha maraya hawadii Ex-Somaliya oo Somalilandna ku jirto, waana halka lacagta badani ka soo baxdo. Tusaale ahaan waa Kenya Airwys oo u socota Cairo siina dulmaraysa hawada Somaliya. (Sawirka hoose eeg).

kenya via somaliya

Dhinaca kale, Somaliland waxay bixin kartaa dhamaanba inta soo hadhay heshiisyadaa oo uu ka mid yahay “Second freedom of the Air” kaas oo ogolaansho degitaan ay Somaliland ku siin karto diyaarad kasta oo xaalad degdeg ahi la kulanto iyada oo maraysa hawada Somaliland sida cillad ku timid (Technical), afduub lagula kacay (Hijacking), Xaalad caafimaad oo la soo gudboonatay Crew-ga ama rakaabka

(Medical), garoonkii ay u socdeen oo xidhan (Airport closure), wareejin la soo wareejiyey xaalada Cimilada iyo Hawada oo khatar ah awgeed (diversion due to severe weather), amaba shidaal qaadasho (Re-fueling). Tusaale ahaan, waa Oman Air oo ka soo duushay Muscat una socota Johansberg oo ciladi ku timid una baahatay inay ku degto garoonka Berbera.. (Sawirka hoose eeg).

somaliland via oman

Laga bilaabo xoriyada 3aad ilaa 9aad oo ah kuwo ganacsi (Commercial freedoms), Somaliland iyada ayaa bixin karta ogolaanshaha Somaliya la`aanteed. Aan tusaale u soo qaato 4ta hore ee bal hadda dheeho waa kuwane;-.

 

Xoriyada 3aad, tusaale ahaan waa Daallo Airlines oo rakaab iyo alaab ay ka soo qaaday dalka ay ka diiwaan gashan tahay ee Djibouti keenaysa Somaliland.

jabuuti via somalialand

Xoriyada 4aad tusaale ahaan waa isla Daallo Airlines oo rakaab iyo alaab ka qaadaysa Somaliland oo geyneysa Djibouti.

 

Xoriyada 5aad waa Jubba Airways oo ka soo duushay dalka ay ka diiwaangashan tahay ee Somalia oo rakaab iyo alaab keenaysa Somaliland, isla markaana rakaab iyo alaab u sii qaadaysa dal saddexaad sida Emirate-ka oo kale (Dubai).

Somaliy somaliland via uae

Xoriyada 6aad waa tusaale ahaan isla jubba Airways oo rakaab iyo alaab ka qaaday Somaliland una sii jeeda Kenya balse ku sii hakanaysa Somaliya iyo dalkii laga lahaa.

somaliland somaliya kenya

 

Hadaba, sida aad ka arkayso sawiradan kor ka muuqda, dhamaanba heshiisyada iyo ogolaanshahaas oo dhan Somaliland ayaa awood u leh inay bixiso.

 

Marka aynu dib u milicsano talaabooyinkii uu qaaday Wasiirka Duulista Somaliland Mudane: Maxamuud, waxaan odhan karaa wuu ku saxsanaa inuu duulimaadyada Qaramada Midoobay ka mamnuuco garoomada Somaliland si uu u muujiyo in Somaliland meel adag ka taagan tahay go`aankaa ICAO/UNka. Hase yeeshee, Somaliland xaq uma laha inay xanibto diyaarad UNtu leedahay oo sifo sharci ah ugu soo degtay mid ka mid ah garoomada Somaliland, haddiiba ay dhacdona waxa loo arki karaa diyaarad xoog lagu haysto taas oo ka soo horjeeda shuruucda caalamiga ah ee Aviationka.

Go`aankaa hore ee Wasiirku wuxuu rumeeyey inay Somaliland xaq u leedahay bixinta ogolaanshaha diyaaradaha ka degeya ama dhoofaya garoomadeeda (Landing permission), balse aan Somaliya bixin karin ogolaanshahaa, taasina waa ta keentay in 18kii June.2013ka Somaliland hawadeeda ka celisay diyaarad yar oo ogolaansho ka sidatay Muqdisho balse aan wax ogolaansho ah ka haysan Somaliland. Dhacdadani waxay bahdilaad iyo fadeexad ku noqotay dawladii Somaliya ee bixisay ogolaanshaha diyaaradu sidatay, waxaanay beeneysey in Somaliya xukunto garoomada Somaliland.

Isku soo wada duuboo, guud ahaan waxaan u arkaa go`aamadaa uu qaatay Wasiirka Duulista Somaliland Mudane: Maxamuud inay ahaayeen kuwo u adeegaya danaha dadka iyo dalka Somaliland, kana turjumaya rabitaanka shacbiga Somaliland, isla markaana soo dedejiyey sababna u ahaa heshiiska hawada ee Somaliland iyo Somaliya ku kala saxeexdeen Istanbul, Turkey.

La soco qormada dambe oo aan ku faalayn doono Heshiiskii Istanbul waxa uu dhib iyo dheef u leeyahay Somaliland.

 

Cabdikariim Cali Baarjeex

BA (Hons) Aviation Management

Bristol, United Kingdom