Haweeney geesiyad ahayd oo si layaab leh u badbaadisay Seygeeda oo kasoo dhacay Dabaq Shanaad dalka China+SAWIRO

Haweeney udhalatay dalka China ayaa si geesinimo ku jirto u badbaadisay seygeeda oo kasoo dhacay dabaqa shanaad oo ay daganaayeen.

Dad goob joogayaal ayaa waxa ay wakaalada wararka dalka China u xaqiijiyiin in Mr Ling Su Cling oo daganaa gobolka Jilin uu shaqo ka qabanayay Balkoonka gurigiisa xiliga uu kasoo dhacaayay balse ay lugta haleeshay xaaskiisa oo ku sugnayd goob aan ka fogeyn Balkoonka daaqada uu kasoo dhacay.

Haweeneyda ayaa kaga dhagtay lugta mudo 20 daqiiqadood ayay waxa ay dadaal dheer ugu jirtay badbaadinta odaygeeda xili xaalada noloshiisa ay ku jirtay khatar aad u xun oo sabab u noqon kartay inuu nafta ku waayo halkaas hadii uu kasoo dhaco maadama dabaqa uu ahaa dabaqa Shanaad.

Arrintan ayaa noqotay mid amaan balaadhan ay ku mutaysatay haweeneyda badbaadisa Ninkeeda waxayna amaan ka heshay dadka deegaanka iyo dowladda dalka China

He was dangling from a six-storey apartment in Changchun, Jilin province, northern China

The woman was forced to get a stronger hold on her husband and had to wait 20 minutes before police or firefighters could get to him

Rescuers managed to pull 45-year-old Wang Li to safety, who is understood to have been depressed about lack of work