Haweenka Reer Hargeysa Oo Baaq U diray Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga la baxay

Hargaysa (SM):- Qaar ka mid ah haweenka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa si kulul u naqdiyey hadalada maalmahan dambe ka soo yeedhayey xubnaha siyaasiyiinta ah ee dhowaan dalka kaga dhawaaqay golaha sharci darrada ah ee khilaafsan xeerarka iyo dastuurka qaranka, kuwaas oo ay ugu baaqeen in ay wadanka qaska iyo jahawareerka ka daayaan, hadii siyaasada hunguri ka hayona ay ku biiraan sadexda xisbi qaran ee dalka ka jira midka ay doonayaan.

Haweenkan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxay sheegeen inay aqoonsan yihiin oo qudha saddexda xisbi qaran ee sharciga iyo sadexda gole qaran oo keliya, isla markaana ay sharci darro u arkaan cidkasta oo ku dhawaaqda ama la timaada wax aanu jidaynin sharci dalka u degsani, waxaanay intaas ku dareen in aanay cidna ka ogolaanaynin inay ku kacdo wax ka hor imanaya nabadgalyada iyo shuruucda dalka, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay iyagu iska qabtaan cid kasta oo fidmo ka dhex abuuraysa ummada.


Marwo Sahra Sacad, oo ugu horayn halkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay in aan siyaasiyiinta iyagu is caleemo saaray ee golaha sharci darrada ah ku dhawaaqay looga baahnayn inay dalka ku celiyaan wixii laga soo gudbay, iyada oo arrimahasi ka hadlaysana waxay tidhi “waxaan halkan iskugu nimid in aanu kaga hadalno hawshii baryahan ina haysatay, Somaliland way dhisantahay way dhaqaaqday uma baahna hadimo, qoladan samaysay golaha la yidhi waxbuu badbaadinayaana waxaan leeyahay anagu waxa aad badbaadinaysaan iyo waxa aad ka tashanaysaan midna garan mayno’e fidmada naga daaya, waxaanay intaas ku dartay ragaas waxaan odhan lahaa waxaad tihiin ragii wadanka u soo halgamay, cidina idinma xaqirayso oo ixtiraamkiina waad leedihiin, laakiin waxa idiin qurux badan ayaan leeyahay in aad axsaabta jirta ku biirtaan, idinka oo ogaa wixii ina soo maray dib ha inoogu celinina waxyaabihii aynu ka soo gudubnay, waxaan idinku guubaabinayaa in aad ka noqotaan golahan sharci darada ah, oo waxaad u digo rogotaan saddexda xisbi qaran ee jira, hadaad mucaarid ku biiraysaan iyo hadaad muxaafid ku biiraysaanba”.

Aamina Nuur oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay inay aqoonsan yihiin oo keliya saddexda xisbi qaran ee dalka jira waxaanay tidhi “Saddexda xisbi qaran ayaan aqoonsanahay, saddexda xisbi wax ka dambeeyay ma ogolin, madax baynu dooranay, nabadgalyo ayaynu haysanaa, maxaa inooga baxaaya kolba meel aynu ku baaqno, waxaan u baahan nahay in arrintaa la joojiyo, dumarka hadaanu nahay, taas ayaanu isku raacsan nahay, hadimo way inoo dhamaatay, dhibi way inoo dhamaatay waxay haysato ayaan nahay, waynu ka soo kabanay hawlihii ina soo maray dalkii waa la wada dhistay ha ka noqdaan golahaa ay ku dhawaaqeen”.

Marwo Aamuun Axmed oo iyaduna halkaasi ka hadashay waxaa hadaladeedii ka mid ahaa “dawlad baynu haysanaa in laynagu guuro maaha wadankeenu waa nabad wax inagu maqan ma jirto, waxaan leeyahay ragan tartanka ku jira naabdaa aynu haysano in lagu ciyaaro maaha, qaran baynu nahay wax inagua xun ma jirto wax loo baaqo ma garanayno, xukuumaduna si wanaagsan ayay hawlihii loo doortay u wadaa waataas dalkii u shaqaynaysa ee xag xagashada iyo af xumada ka daaya” ayay tidhi Amuun.

Sidoo kale Hibaad Maxamed Maxamuud oo gabogabadii halkaa ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “waxaan ku guubaabinayaa sidii markii hore noogu soo halganteen gooni isu taaga Somaliland ma doonayno kala jabka Somaliland in cadowgu inaga faa’iidaysto waxaan idin leenahay inaga daaya ururkaas o saddexda xisbi qaran tashi wanaagsan la yeesha hadaanu nahay haweenkii waxaan soo jeedinaynaa in meel layskugu yimaado”.

Salaanmedia/Hargeysa

 

 

TOP