Hay’adda Al Nuur Charity Foundation Oo Deeq Lacag Ah Oo Dhan $ 29.000 Oo Dolar U Qaybisay Agoonta Hargeysa

Aug 06 2013 Hargeysa(SM)-Hay’adda Islaamiga ah ee Al Nour Charity Foundation, ayaa deeq lacag oo dhan $ 29,000 dollar u qaybsay carruur agoon ah oo tiradoodu dhan tahay 290 qof. Masuuliyiinta hay’adda ayaa lacagtan shalay agoonta ugu qaybiyey xafiiska hay’addu ku leedahay magaalada Hargeysa, waxana lacagta deeqda ah loogu talagalay in ubadkan agoonta ah looga dhigo xaqal-ciid.

Deeqda lacagta ah ee hay’addu qaybsay oo dhammayd $29,000 dollar, ayaa ilmihiiba la siinaayey lacag dhan $100 si uu baahiyaha ciida ubadku baahan yahay loogu daboolo

Mr. Ibraahin Hay’adda Islaamiga ah ee Al Nuur Charity Foundation oo Deeq Lacag ah u Qaybisay 290 Agoon Khadar Sa’ed oo ah Guddoomiye-ku-xigeen Somaliland ee Hay’adda Al Nuur Charity oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in lacagtan deeqda ah ay soo bixiyeen muwaadiniin reer Qadar ah, isla markaana ay ku soo hagaajiyeen hay’adda, looguna talagalay in ubadka agoomaha ah lagaga farxiyo.

“Hay’adda oo hore loogu yaqaanay inay caawiso dadka tabaalaysay ee reer Somaliland, gaar ahaan agoonta, danyarta iyo dadka dhimirka wax ka qaba waxay maanta u qaybisay deeqdan lacagta ah oo dhan $29,000 carruur agoomo ah oo dhan 290 qof , kaasoo qofkibia $100 la siinaayo, horena waxay raashin u siisay qoysas danyar ah oo gaadhaya 80 qoys.

Deeqdan waxay si toos ah uga timada shacabka Qadar, kuwaasoo ku soo hagaajiya Guddoomiyaha hay’adda Marwo Ifraax Xaaji Maxamuud oo halkaas ku sugan,” ayuu yidhi Ibraahim Khadar. Mr. Maxamed Faarax Maxamuud oo ka m id ahaa waaldiinta ubadkaas agoomaha ah masuulka ka ah, ayaa u mahadnaqay masuuliyiinta hay’adda iyo shacabka reer Qadar ee deeqdan soo gaadhsiiyey.

Marwo Deeqa Nuur Raabi oo iyaduna ka mid ah waalidiinta ubadkan agoomaha ah ka masuulka ah ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay deeqdan lacagta ah ee la soo gaadhsiiyey, waxaanay si gaar ah u tilmaantay inay baahi weyn u qabeen waqtigan oo ciidi soo galayso. Maaha markii ugu horraysay ee hay’addu deeqo noocan ah qabyso, waxaanay caawiyoomin lacag, raashin iyo agabyo kale isugu jira gaadhsiisay cusbitaalada, jeelasha iyo dadka danyarta ah ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa