Horjooge Fu’aad Shongole Oo Sheegay In Kooxda Shabaab Ay Ka Fogaatay Shareecada Islaamka

Horjooge Fu’aad Shongole Oo Sheegay In Kooxda Shabaab Ay Ka Fogaatay Shareecada Islaamka

Aug 22,2013 Muqdisho((SM) Horjooge fu’aad Shangole oo ka tirsan kooxda Shabaab ayaa sheegay in kooxdooda ay ka fogaatay shareecada Islaamka, isla markaana ay noqdeen ficiladoodu kuwo aan wanaagsanayn.

Fu’aad Maxamed Qalaf Shongole oo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ayaa hadal uu ka jeediyay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose waxa uu ku dhaliilay hoggaanka horjoogayaasha maleeshiyaadka Alshabaab, kuwaas oo uu ku sifeeyay iney yihiin kuwo ka fogaaday Alle ka cabsiga.

Horjooge Shongole ayaa ku tilmaamay horjoogayaasha kooxda kuwo sameeya ficillo xun xun oo ka soo horjeeda shareecada Islaamka.

‘’Waxaan isu kaalmeeysanaa baadilka iyo xaqdarada iyo qabiil lagu duulaayo qof muslima beertiisa laga qaadanayo nin lo’diisa laga dhacayo waan isu kaalmeeysanaa, Alle ka cabsiga iyo taqwada iyo Alle ku xirnaantiisana dad badanoo anaga naga mida isuguma kaalmeystaan’’ Sidaasi waxaa yiri horjooge Shongole.

Hadalkan horjooge Fu’aad Shongole ayaa soo baxaya xilli kooxdu ay noqotay mid cagta saartay wadadii burburka, iyadoo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkoodaba ay u kala qeybsameen dhowr garab.

Waxaana xusid mudan in horjoogayaashii uu ku fekerka ahaa Fu’aad Shongole laga dhigay wax la laayo iyo wax baxsaday, iyadoo awooda kooxda ay gacantiisa kusoo ururtay horjooge Axmed Godane.

Salaanmedia/Muqdisho