Hargaysa(SM)Waxaa Caawa lagu wadaa in magaalada Monaco lagu sameeyo isku-aadka wareegga koowaad ee horyaalka Yurub ee Champion Liiga ee xilli-ciyaareedka cusub 2013-14.
Waxaa soo dhammeys tirmay 32-da koox ee ka qeyb galaya wareegga koowaad.
UEFA ayaa soo saartay afarta qaanad ee loo qeybiyay in isku-aadka loo sameeyo, iyadoo kooxaha sida ay u kala awood badan yihiin loo kala saaray marka loo fiiriyo saameyntooda koobkan ee shantii sano ee u dambeysay.
Waxaa la sameeyay afar Qaanad (Pot) oo tiiba ay ka kooban tahay 8 koox.
Pot1 oo ah qaanadda Koowaad ayaa waxaa ku jira 8-da koox ee ugu awoodda badan isla markaana hoggaamin doona guruubyada 8-da ah.
Kooxaha Man City iyo Ajax ayaa ku jira qaanadda seddexaad iyadoo sugaya isku-aad adag, waxaana qaanaddan ku wehliya kooxda Dortmund oo sanadkii hore kaalinta labaad gashay.
Kooxda Juventus ayaa heshay qaanadda labaad markii Lyon kasoo gudbi weysay isreeb-reebka, waxeyna qaanaddan kula jirtaa kooxda AC Milan.
Napoli oo Taliyaaniga ka socota ayaa sugeysa guruub dhimasho ah markii la geliyay qaanadda ugu tabarta yar ee 4-aad, taas oo ka dhigan in seddex koox oo adag ay ku guruub noqon doonto.
Afarta Qaanad ayaa kala ah:
Pot 1 Pot 2
Bayern Munich Atletico Madrid
Barcelona Shakhtar Donetsk
Chelsea AC Milan
Real Madrid Schalke
Manchester United Olympique de Marseille
Arsenal CSKA Moscow
Porto Paris Saint-Germain
Benfica Juventus
Pot 3 Pot 4
Zenit St Petersburg Copenhagen
Manchester City Napoli
Ajax Anderlecht
Borussia Dortmund Celtic
Basel Steaua Bucharest
Olympiakos Viktoria Plzen
Galatasaray Real Sociedad
Bayer Leverkusen Austria Wien
Kooxaha qaanadda koowaad ku jira ayaa hoggaamin doona 8-da guruub, waxaana mid walba kusoo aadi doonta hal koox oo ku jirta seddexda qaanad ee kale.
Tusaale ahaan waxaa isku guruub noqon kara : Barcelona, Juventus, Man City iyo Celtic ama Real Madrid, PSG, Dortmund iyo Napoli.
Laba koox oo isku dal ka socda isku guruub ma noqon doonaan sida sharciga UEFA dhigaayo.
Salaanmedia/Hargaysa
Hargaysa Somaliland