Itoobiya Oo Somaliland Ku Amaantay Kuna Tilmaantay Meel Ka Caagan Argagixisada Iyo Kooxaha Nabad Diidka Ah

Hargeysa (SM) -Itoobiya oo kaashanaysa dawladda Somaliland waxa ay ka dhigtay Somaliland iyo marinkeedaba goob u daran kooxaha argagixisada iyo canaasiirta nabad diidka ahba, sidaas waxa sheegay danjiraha Itoobiya u fadhiya Somaliland General Berhe Tesfay.

Wareysi gaar ah oo wakaalada wararka Itoobiya (WIC) uu siiyay qunsulka guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland, waxa uu ku sheegay inay Itoobiya wax badan u hurtay si ay uga caawiso dadka Somaliland inay ka xoreeyaan mandaqadda argagixisada iyo kooxaha nabad diidka.

Brigadier General Berhe Tesfay, waxa uu sheegay in wax wada qabsiga Somaliland iyo dadka Itoobiya ay meesha ka saareen dhibaatooyinkii ammaan darro oo uu haatan gacanta ku jiro amniga.

Isaga oo xusay inay noqotay meel cadaw u ah kooxaha argagixisada ee doonaya inay ka abuuraan degganaansho la’aan, waxaana uu sheegay Janaraalku dadaalka ay dawlada Itoobiya la timid inuu ka yeelay meel ay ka jirto nabad waartaa Afrika guud ahaan, gaar ahaana gobolka Geeska, taasina ay ka dhalatay siyaasadda nabadeed ee dalkiisa.

Waxa kale oo uu dadka Somaliland uga mahadnaqay gacanta wax ku oolka ah ee ay ka siiyaan wax ka qabashada halganka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay inay dadka Somaliland u heelan yihiin sii xoojinta degganaanshaha iyo ammaanka ka jirta.

Janaraal Berha Tesfy, waxa uu intaa ku daray dadka Somaliand in aanay u fahamsanayn oo keliya inay arintu tahay oo keliya nabad waarta, balse ay sida oo kale ay og yihiin inay u tahay lama huraan horumarka dhaqaale joogta noqda dal kasta oo gobolka ah.

Waxa kale oo uu xaqiijiyay inay Itoobiya sii wadayso dadaalka baaxada leh ee ay ku joogtaynayso nabada horeba u ifeysay iyo wax la qabsiga dadka iyo maamulka Somaliland.

Wakaaladda WIC, waxa ay xustay inay ka war heshay in dawladda Itoobiya ay sida oo kale ka shaqaynayso xoojinta xidhiidhada ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, taasina ballanqaadayso nabada iyo degganaanshaha Somaliland.

Qunsuliyadda guud waxa ay leedahay waxa dhiirigelin ah inay waxyaabaha darayga ah ee kale ka soo baxa Itoobiya inay soo gaadhaan dadka Somaliland iyada oo uu jiro ganacsiga isaga gudbiya labada dad oo ay labada dhinacba ka faa’iidi karaan.

“Illaa haatan tirro maalgashadayaasha Itoobiya ah ayaa iyaguna maalgashaday Somaliland, gaar ahaan qaybta waxbarashada,” ayuu yidhi Janaraalku isaga oo intaa raaciyay ,” dadaallo dheeri ah ayaa la samayn doonaa si loogu soo jeedo maalgashadayada badan oo Itoobiyaan Somaliland.”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho RMN

image