Jeneraal Gaafow Oo Digniin U Diray Shirkadaha Diyaaradaha inaanay qaadin qof sita Basaboorkii Cagaarnaa

image

Muqdisho 06.Aug (SM) Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha  Dowladda Soomaaliya Gen Cabdullahi Maxamuud Gaafow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu digniin u jeediyay Shirkadaha Diyaaradaha ee ka shaqeeya Dalka inaysan qaadi Karin dadka wata Baasaboorkii hore ee Cagaarnaa maadaama ay soo dhawdahay Xiligii la qaadi jiray dadka doonaya inay soo xajiyaan.

Hadalka ka soo baxay Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliyaha yaa waxaa uu salka ku hayaa hirgelinta iyo meel marinta Ujeedada in laga gudbo fikirkii uu caalamka ka heystay Baasa-boorka soomaaliya oo ah inay isticmaalaan Koxaha fidno wadayaasha ah  kuwaa oo  isaga gudba wadamada Caalamka.

Taliyaha Hogaanka Socdaalka ee Soomaaliya Gen Cabdullahi Maxamuud Gaafow ayaa sheegay in meel marinta Go,aankan uu yahay guul u soo hoyatay umadda Soomaaliya uuna horseedi karo in uu sii wanaagsanaado xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

Ugu Danbeyntii Baasa-boorka Soomaaliya  ayaa ah  kuwa ugu casrisan Caalamka kaa  oo sameyntiisa ku kaceysa   qiima qaali ah, isticmaalka (E Baasaboorka) ayaa markii ugu horeysay waxaa Soomaaliya laga bilaabey Sanadkii 2006-dii,   waana Dalkii ugu horeeyey ee Afrikaan ah oo isticmaala E-Baasaboorka

 

Salaanmedia/Hargaysa

Muqdisho SDN