Khilaaf Soo Kala Dhex-galay Wasiirada Arrimaha Dibada Somalia Iyo Kenya

h

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta  Salaanmedia.com ayaa sheegay in Wasiirada Arimaha Dibada Dowladaha Kenya Iyo Somalia ay isku dhaceen inta uu socda Shirki ay isgu imaanayeen Dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Dalka Somalia.
Khilaafka soo kala dhexgalay Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji aadan Iyo Marwo Aamina Jawaahir Maxamed ayaa salka ku haya tacadiyada Ciidamada Kenya ay ka geysten Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Warka ay heshay Warbaahinta Salaanmedia.com ayaa tibaaxaya in Marwo Fowsiyo ay ka xanaaqaday hadal ay ka dhawaajisay Marwo Aamina Jawaahir Maxamed oo aha in Kismaayo aan la geyn karin Ciidamo ka madax banaan Kuwa Kenya.Khilaafkaan aya ku soo beegmaya xili Dowladaha ay Ciidamada Ka joogaan .

Soomaaliya ay isku raaceen in Ciidamo isku dhaf ah la geeyo Gobolada Jubooyinka iyadoona Dowlada Kenya ay hadalkaas ka cadhootay.

 

Salaanmedia/Mogdisho