KHILAAFKII CAKIRNAA EE MUUSE BIIXI IYO CABDI CASIIS SAMAALE OO LAXALIYAY MAXAYSE KU HESHIIYEEN ?

Khilaafkii Cakirnaa ee Muuse Biixi iyo Cabdi Casiis Samaale oo Laxaliyay Maxayse Ku Heshiiyeen

SM/ labadan masuul ee kala ah muuse biixi iyo c/casiis samaale ayaa waxaa in muddu ah dhexyaalay khilaaf huursanaa laakiin markii danbe dibada u soo baxay , iyadoo uu khilaafkaasi uu ka dhashay hogaaminta xisbiga kulmiye ee sanadaha soo socda oo uu mid kastaa sheegay in uu yahay musharaxa xisbiga ,
iyadoo ay labada masuul tartankoodiii ay xiligaa ay gaadhsiiyeen jifooyinka ay kasoo jeedaan oo ay la yeesheen shirar duceedyo aan la qarsan oo lagu qabsaday hoteelada waawayn ee hargaysa , shirarkaas oo ay ku baxday lacago aad u faro badan, haddaba iyadoo intaas oo dhan ay deeradu dhex maraysay ayaa xalay waxaa guri kuyaala magaalada hargaysa lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay muuse biixi iyo c/casiis samaale iyadoo gacanta la isku saaray ayna is dhunkadeen midkoodba midka kale.
Kulanka oo qaatay saacado badan ayaan la sheegin wax war ah oo kasoo baxay oo aan ahayn in labada masuul gacanta la isku saaray ayna is laab xaadheen, kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka sacad muuse ayaa waxaa la sheegayaa in lagu qanciyay labadoodaba in ay si wada jir ah uga qayb qaataan shirka sacad muuse ee ka socda magaalada Agabar dibna ay u dhigaan loolankii siyaasadeed kana qayb qaataan shirka agabar, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda in ay uga qayb galaan iyagoo wada jir ah oo wada socda, ma cada halka uu ku danbayn doono loolankii adkaa ee ka dhexeeyay labada masuul .
Salaanmedia.com/Hargaysa
Xigasho Somalilandlive