Khilaafkii Ka Dhex Qarxay Ergadii Dhex-Dhexaadinta Iyo Golaha Wada-Tashiga Oo La Xaliyey + Wada-Xaajoodkii Labada Dhinaca Oo Sii Socon Doona

 

Golaha1-378x180Aug  6,2013 Hargaysa(SM) Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey), ayaa sheegay in ay dhameeyeen khilaaf ka dhex qarxay dhawaan Ergadii Salaadiinta ahaa ee dhex-dhexaadinta ka dhex waday Xukuumadda iyo Siyaasiyiinta Golaha Wada tashiga  Afhayeenka Salaadiinta Suldaan Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey), waxa uu sheegay in sii wadi doonaan wada hadaladii iyo isu soo dhaweyntii ay ka dhex wadeen Xukuumadda iyo Golaha Wada tashiga, isaga oo ka dhawaajiyey in xurguf yar oo soo kala dhex Ergadii Salaadiionta ahayd iyo Golaha Wada tashiga la dhameeyey.Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey) oo xalay khadka Telefoonka ugu waramaayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa sidoo kale sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhexgalay Salaadiinta dhexdooda.

Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Salaadiinta reer Somaliland waxa aan leeyahay aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin markastana waxa ay u taagan yihiin dhawrista iyo ilaalinta nabadgelyadda Somaliland iyo horumarkeeda hawshiina si fiican ayaanu ugu jirnaa odayaashu (Golaha wada tashiga) waa odayaasheeni, dhawr iyo sodon Suldaan ama ku dhawaad Afartaneeyo Salaadiinta oo Madax dhaqameedka dalka ah ayaa ku jira si ay turxaan bixin ugu sameeyaan Khilaafka soo kala dhex galay.

Odayaasha Siyaasiiyinta ah ee dalka magaca iyo maamuuska ku leh iyo dhanka Xukuumadda oo ah tii dadku doortay” Suldaan Suldaan (Xiiray) oo ka hadlayay xurguftii soo kala dhex gashay guddidii Salaadiinta ahayd ee Farsamo iyo golaha wada tashiga waxa uu yidhi“Khilaafkii yaraa ee soo kala dhex galay Guddidii 17-ka Xubnood ee Salaadiinta ahayd iyo Odayaasha Siyaasiyiinta ah waanu soo kala dhexgalay, wax sidaas u sii wayna maaha ee way sii wadi doonaan hawsha, wax khilaaf ah oo Salaadiinta dhexdeeda soo kala dhexgalayna ma jirto oo cid kale oo hawsha galaysaana ma jirto, ee waxa labada dhinac iskaga ergayn doona waa 17-kii Xubnood ee aanu Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta dalka hore uga xulnay iyaga ayaana hawsha sii wadaaya oo gacanta ku haya” Afhayeenka Sulaadiinta Somaliland Suldaan Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey) waxa uu intaasi raaciyay“Rag muhiim ah ayaanu kala Xidhiidh Odayaashaasi Talada soo jeedinaayey (golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka) meel fiicana wax way noo marayaan oo waanu sii wadi doona haddii ALLE idmo,waxa aanu ku kala qaybsanahay Salaadiin ahaan ma jirto, labada dhinacba(Golaha Wada tashiga iyo Xukuumadda) suldaan ayaanu nahay oo Bulshada reer Somaliland waxa aanu leenahay oo u soo jeedinayna nabadgelyadda iyo Xasiloonida ha ilaaliyaan oo dalkooda ha wada ilaashadaan”

 

Salaanmedia/Hargeysa Office

Wargeyska Saxansaxo