khudaartii Ugu Badnayd Oo Sanadkan Ka Soo Go’ay Beeraha Degmada Oog.
(Oog Somaliland) Xilli dhawaan dadka ku nool magaalada Oog ee xarunta Gobolka Saraar qaarkood ay bilaabeen tacbashada beeraha ayaa sanadkan waxaa beerahaasi ka soo go’ay qudaar kala duwan oo ka badan sanadkii hore.
Maxmuud Daahir oo ka mid ah beeralayda Oog ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in sanadkan uu kobcay wax soo saarkooda balse, ay jiraan caqabado haysta oo ay ka mid yihiin xirfadooda oo yar iyo waraabka beeraha oo liita maadaama aysan haysan beeralaydu Ceel biyood ku filan. Sanadkii 2011-kii ayaa si rasmi ah tijaabooyin dhinaca abuurka ah looga qaaday dhul badan oo Oog iyo hareereheeda ah, taas oo lagu ogaaday in khudaarta ay ka baxayaan,waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay dad badani usoo jeesteen tacbashada beeraha.
Siciid Xirsi
SALAANMEDIA.COM/OOG