Kulamo Lagu Doonayo In Lagu Sii Daayo SH Xasan Daahir Aweys Oo Ka Socda Magaalada Nairobi(Warbixin)

aways

Aug 11,2013 Muqdisho(SM) Wararka aynu ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ku waramaya iney halkaa ka socdaan kulamo iyo dadaalo loogu ololeynayo siidaynta hogaamiye diineedka SH Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.
C/sataar Xasan Cali oo ka tirsan hawlwadeenada Safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa ku waramaya iney ka war hayaan kulamo ay magaalada Nairobi ku leeyihiin masuuliyiin ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam iyo Siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda dowladda oo ku sugan halkaasi.
C/sataar ayaa sheegay in kulamadaas loogu ololeynayo sii daynta SH Xasan Daahir Aweys,wuxuuna tilmaamay in Siyaasiyiin caan ah oo ku sugan Nairobi ay ku hawlan yihiin fududaynta xiriirada masuuliyiinta Xisbul Islmaam iyo Safaaradaha shisheeye ee ku yaalla Nairobi si ay gacan uga geystaan siideynta SH Xasan Daahir,,wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta ku hawlan xiriirinta Xisbul Islaam iyo wadamada caalamka si xal loogu helo arinka SH Xasan iney ka waantoobaan taageerida rag uu ku tilmaamay iney yihin argagixiso.
Masuulkan ayaa sheegay in go’aan ka gaarida arinka SH Xasan Daahir Aweys ay u taallo dowladda federaalka Soomaaliya ee masuulka ka ah guud ahaan dalka,wuxuuna intaa ku daray in dowladdu ay dhawaan go’aan rasmi ah kasoo saari doonto waxa laga yeelayo SH Xasan Daahir oo ku jira xabsi ay dowladdu maamusho.
Ragga ka tirsan Xisbul Islaamkii burburay ee dhaqdhaqaaqa ka wada magaalada Nairobi ayaa waxaa kamid ah Maxamed Macalin oo ahaa xog-hayah arimaha dibada ururkaas iyo rag kale kuwaas oo dhammaantood xusul duub ugu jira sidii ay wadamada caalamka uga dhaadhicin lahaayeen siidaynta SH Xasan Daahir Aweys.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo gacanta ku haysa SH Xasan Daahir Aweys ayaan ilaa hadda go’aan rasmi ah ka gaarin waxa laga yeelayo,madaxweyne Xasan SH ayaa hore u sheegay in SH Xasan ay su’aalo weydiinayaan laamaha amniga,wuxuuna intaa raaciyey in go’aan laga gaari doono arinka SH Xasan,balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah faahito go’aanka ay dowladdu damacsan tahay iney ka qaadato SH Xasan Daahir Aweys.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya arinka SH Xasan Daahir Aweys,waxaana jira warar sheegaya iney socdaan wadahadl u dhexeeya SHeekha iyo dowladda oo ku aaddan inuu warbaahinta kaga dhawaaqo uu ka tanaasulo go’aankiisii ahaa in dowlad Islaami ah oo qori caaradiis ku timaada uu dalka uga hirgaliyo,balse waxaa go’aanka u danbeeya laga wada dhowrayaan dowladda oo xiligan ka gaabsanaysa iney faah faahin ka bixiso arimaha SH Xasan Daahir.

 

Salaanmedia/Mogdisho