Kulan balaadhan oo Suxufiyiintu Ku yeesheen Muqdisho [ Sawiro]

IMG_7473

Muqdishu(SM) Kulanka oo ahaa kulan aad u ballaadhan islamarkaana ay ka soo qeyb galeen kudhawaad 80 Saxafi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta , Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan , Madaxda Axsaabta Siyaasadda iyo Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacay Hoteelka Muqdisho KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay marin habaabin Saxaafadda Madaxa banaan uu ku sameeyay Afhayeenka Madaxweynaha Injineer Cabdi Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo dhaliilo Saxaafadda ay ka qabto Sharciga Saxaafadda oo dhawaan ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Faarax Max’ed Yuusuf  ( F.Lamaane ) oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in sharci Saxaafadeed oo aan Saxaafadda dalka la tusin dad ajnabi ah sameyntiisa ay ku lug lahaadaan.

Max’ed Axmed Cabdullaahi ( M.Dheere)  oo ka mid ahaa Wariyaal ka qeyb galay kulan buuq uu hareeyay , wariyaashana loo diiday in ay hadlaan oo Madaxweynaha Soomaaliya uu la qaatay qaar ka mid ah Wariyaasha  ayaa kulanka ka sheegay in Afhayeenka Madaxweynaha qal qal dhinaca Ammaanka uu galiyay nafsadiisa kadib markii uu sheegay in Injineer Yariisow uu kulankii shalay ka sheegay in qudbad markaasi uu jeediyay ay ahayd mid qaldan.

Cabdi Risaaq Jaamac Cilmi ( Black) , Cabdi Max’ed Ismaaciil ( Cabdi Cuud) , Max’ed Nuur Sh

ariifka , Max’ed Bashiir Xaashi, Cabdi Naasir Max’ed Guuleed iyo  Max’ed Cabdi Geedi ( Shiine ) oo ka mid ahaa Saxafiyiintii ka hadashay kulanka ayaa sheegay in Saxaafaddu aanu diidaneyn sharci laakiin ay ka xuntahay in Wasaaradda Warfaafinta oo kaa shaneysa dad calooshood u shaqeystayaal ah iyo dad Ajnabi ah oo sharci Saxaafadda Soomaaliya aan waxbo ka ogeyn ay isku dayaan meel marinta Sharciga Saxaafadda oo Suxufiyiinta ay u arkaan mid Caburin ah.

Cabdullaahi Sheekh Xasan guddoomiyaha Isbeheysiga Nabadda , Injineer Axmed Salaad aw Aadan Guddoomiyaha Xisbiga Sahan Qaran iyo Prof: Saciid Ciise Max’ud Guddoomiyaha Xisbiga dadka oo ka mid ahaa Madaxdii Xisbiyada ee ka qeyb galay kulankaasi ayaa waxa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in dowladda Xasan Sheekh oo ku fashilantay sugida Amniga Muqdisho iyo siyaasadda Gobollada ay isku daydo Afduubka iyo kala qeybinta Saxaafadda Madaxa banaan ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya marnaba aanu Ansixin doonin sharci Saxaafadeedkaan ka qeylisiiyay Saxaafadda Madaxa Banaan ee Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka qeyb galay kulan weynihii Maanta ay isugu yimaadeen Saxaafadda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay , ficil xanuun iyo Murugo leh oo Afhayeenka Madaxweynaha uu ku kala dhantaalay Warbaahinta  Soomaaliyeed kadib markii dad tiro kooban ah oo qaarkood aan aheyn Saxafiyiin uu u ogolaaday in ay ka hor hadlaan Madaxweynaha Soomaaliya , uuna u diiday Wariyaashii Madaxa banaanaa ee kulankaasi ka qeyb galay.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi Weli oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay  in ka soo qeyb galka kulanka uu u soo diray Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya islamarkana wixii ka soo baxa uu u gudbin doono Ra’isal Wasaaraha.

Ugu dambeyntii Wariyaasha ka soo qeyb galay kulanka oo ka kala socday Gobollada dalka Soomaaliya ayaa sameeyay guddi ka kooban 10 Xubnood oo qodobo ka soo baxay kulankii maanta u gudbin doono Madaxda dalka.

Salaanmedia/Mogdisho

IMG_7232

IMG_7274

 

 

IMG_7271IMG_7263IMG_7261IMG_7256IMG_7255IMG_7251IMG_7234IMG_7276IMG_7282IMG_7283IMG_7284IMG_7286IMG_7288IMG_7293IMG_7294IMG_7309IMG_7320IMG_7330IMG_7335IMG_7340IMG_7387IMG_7391IMG_7419

IMG_7329IMG_7276IMG_7268

IMG_7441