Waxa maalintii Axada ahayd oo ku beegnayd 25.8.13 magaaladda London ka ambabaxay xubno ka mid ah gudida DIR ee cariga Ingiriiska oo uu hogaaminaayey Siyaasi Daahir xaaji Boqore, Kulankaas oo ay ugu ambabaxeen magaalo madaxda Labaad ee dalkan Ingiriiska Birmingham, Ujeedada saxafkooda oo ay uga horeysay u gogol xaadhka Suldaanka guud ee Beelaha DIR Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Ismaciil oo dhawaan safar ku tagi doona magaaladda Birmingham si uu ula kulmo jaaliyadda beesha Dir ee degan magaaladda iyo ogaanshaha xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin.
Waxa dabcan safarkooda ka mid ahaa sidii loogala soo xaajoon lahaa shirweyne dhawaan lagu wado in uu ka qabsoomo dalkan Ingiriiska gaar ahaan Magaaladda London oo ay isugu iman doonaan bahweynta beesha DIR ee ku kala nool daafaha qaaradda Yurub iyo nawaaxigeeda. Waxa markii ay gadheen ay la kulmeen qaar ka mid ah gudida beesha ee jooga magaaladda Birmingham oo ay iska waraysteen xaaladihii ugu danbeeyey ee ku saabsan xaga Siyaasadda,Horumarinta degaanka,iskuxidhka beesha ee dalkan Ingiriiska degan iyo dhamaan xaaladda guudba.
Waxa kulankaas oo aad u balaadhnaa ay isla soo qadeen oo kale sidii loogu diyaar garoobi lahaa soo dhaweynta suldaanka oo dhawaan kusoo gaadhi doona magaaladda Birmingham iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa,Waxa kale oo ay aad uga wada hadlee sidii loo meel marin lahaa shirweyna lagu baaqay oo dhawaan dhici doona sida aan soo sheegnay iyo sidii dhamaan Beesha Dir ay uga soo qayb gali lahaayeenba.
Waxa uu kusoo dhamaaday jawi aad u quruxbadan waxayna ku balameen in la der-der galiyo hawlahaas oo dhan,Siyaasi Mudane Daahir Xaji Boqore isaga oo ku hadlaya magaca gudida kasoo kicintay London waxa uu aad ugu mahad naqay sida wanaagsan ee losoo dhaweeyey iyo sida ay jaaliyadda Dir ee Birmingham ay dedaalka u wadaan ku aadan dhiiri galinta hawlaha beesha DIR .
Salaanmedia/Birmingham