“Ma aha Mucaaradnimadu Inay Ku Dhaafiso Dayrka Qaranimada”Wasiir Xirsi

 

HARGEYSA (SM)-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay Somaliland gar u leedahay madax-banaanideeda, maadaama oo ay dariiq gar ah ku taagan tahayna ay garwaaqsatay inay qadiyadeeda geyso Goleyaasha ka garniqi kara ee caalamka.

Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad dheer oo uu ka jeediyay shir Jaamacadda Hargeysa soo qaban qaabisay oo lagu darsayay sidii looga midho dhalin lahaa wada hadalladda Somaliland la leedahay Soomaaliya.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa khudbadiisa lagu soo daabacay mareegta uu Internet-ka ku leeyahay eeguusha.com, waxaanu yidhi “14/08/2013, Mahad Alle Dabadeed, waxaan Bogaadin leh Jaamacada Hargeysa gaar ahaan Qaybteeda xalinta Khilaafaadka oo soo agaasintay Kulankan, runtii waa mid ka mida ah wadooyinka haboon ee xog iyo fikir la isku waydaarsan karo. Ugu horayn aan iftiimiyo halka uu salka ku hayo qodobka ah wada Hadalka Somaliland iyo Somalia runtii qodobkan waa qodob ka soo unkamay Himilada Koowaad ee Qarankan oo ah in Ictiraaf buuxa in aynu ka helno Bulshadda Caalamka, iyadoo albaab walba la Garaaco. Waa siyaasadii xisbiga tallada dalka haya ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynaha Qaranku.

Waa qodob farac ka ah shirkii London ee ay isku yimadeen in ka badan 54 Dawladood qodobadii ka soo baxayna ka mid ahayd in Somaliland iyo Somalia ay wada hadal yeeshaan si xal looga gaadho arrimahooda.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ka hadlay faa’iidooyinkii laga gaadhay wada hadaladda u socday labada dal, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hadaba, mudadii ay socodeen wada hadaladda Somaliland iyo Somalia waxaa laga faa’iiday:-
In Somaliland iyo Somalia ay isku soo hor fadhiistaan isla markaana gartooda loo dhagaysto sidii laba dawladood oo siman.

In dhagaha Beesha caalamka iyo indhaha suxufiyiinta Caalamiga ahba aan ku cel-celinay isla markaana kor u qaadnay magaca Dawladeena iyagoo si cad u qorayey in laba dawladood ku kulmayaan wada hadaladaas.”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku ladhay “Maadama aan Gar Leenahay Waxaan garteena gaysanay miisaska caalamka ee lagu naqo garta, innagoo muujinay in aan bisayl ahaan iyo awood-ba u leenahay in aan garteena gudbisano, innagoo meesha ka saarnay in aan aamusnaan iyo indho la’aan wax ku rabno.”

“Qoraalkii rasmiga ahaa ee ugu dambeeyey ee ay Dawladda Turkey-gu ka soo saartay shirkii waxay si cad ugu sheegtay in Laba Dawladood oo African ah dalkeeda ku shirayaan kuwaas oo kala ah Somaliland iyo Somalia,”ayuu Wasiirka Madaxtooyaddu ku sheegay khudbadiisa.

Wasiir Xirsi waxa uu ku dooday in wada xoojoodka Somaliland la furtay Soomaaliya uu rajo iyo bidhaan wanaagsan u yahay qadiyadda aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan xidhnay albaabka odhanaya maxaad Somalia u wada hadli waydeen, oo inta badan caalamku ku xidho dawladaha in ay iyagu marka hore wada hadlaan. Qodobadaas iyo kuwo badan-ba waxay dareen fiican ku abuuraysaa dadkeena shucuurta wadaninimo leh isla markaana waxay albaab iyo rajo cusub u tahay helitaanka Himilada koowaad ee qaranka oo ah in Madaxbanaani buuxda aan ka helno beesha Caalamka oo in ka badan 23 Sano indhaha iska qabatay dalkeena qiimaha badan ee Somaliland.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu bulshadda u soo jeediyay inay tallooyinka si hufan oo waddaniyad leh ugu gudbiyaan xukuumadda isla markaana ay ka taxadaraan in mucaaridnimo ay dhaafiso xayndaabka iyo dareenka waddaniyadda, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Gabo gabo, waan ku faraxsan nahay in kulankan oo kale aan idin kala soo qaybgalo, waa hubaal oo waa astaanta Bini’adamka in aan la wada qancin karin balse haddii aynu kala fikir duwan nahay ma aha macnaheedu in aynaan wax isku sheegi karin haddii aad fikir ka duwan qabto, balse waxaa haboon in dariiq sharaf iyo maamus leh aynu isku soo marino tallada iyo tusaalaha mana aha runtii in shakhsi nacayb ama mucaaradnimo ku dhaafiso dayrka qaranimada oo aad noqoto mid gabi ahaanba ka banaanka uga baxa dareenka Muwaadinimo.”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho SLand.org