Maamulka Puntland oo ka digay weeraro Al-Shabaab ka geystaan inta lagu jiro sanad-guurada maamulkaas

news

Maamulka Puntland ayaa ka digayo weeraro Al-Shabaab ka geystaan deegaanada, iyadoo maanta ku beegan tahay sanad-guuradii 15aad aas aaskii maamulka Puntland.

Qaban qaabo lagu xusayo sanad-guurada maamulka ayaa ka socda magaalooyinka, iyadoo lagu wado in munaasabad ballaaran ay ka dhacdo Garowe oo lagu maamuusayo sanadguurada Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay inay la socdaan weerarada iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho, hase ahaatee ay ka feejigan yihiin dhankooda.

Mr Qarjab ayaa sheegay in dadweynaha ay uga digayaan in aanay guryahooda ka kireysan cid aanay aqoon u laheyn, oo qal qal ku ah ammaanka, waxaana uu ugu baaqay in laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan dadka ay ka shakiyaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamo gaar ah oo sugaya ammaanka ay diyaariyeen, kuwaasoo uu tilmaamay in habeenkii ay wadaan howl galo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay howl galo habeen iyo maalin ah oo ka socda Garowe oo ah caasimada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa maanta u dabaal dagaya sanad-guuradii 15aad ee ka soo wareegatay markii maamulkaas la aasa aasay sanadkii 1998-dii.

Salaanmedia/Mogdisho