Aniga oo ah Maxamuud cismaan(moholin)
Waxa aan halkan ku duubayaa
maanso gaaban oo mahad naqa
Oo ku socota CABDIRAXMAAN CIRRO
Taasoo uu ku mutaystay siduu ugu hawl galay
Shaqaaqadii ka dhacday Beesha
Aan bilaabo.
.
ALLAA) mahadle iyo xamdiba
Loona mariyaaye
Marka kale mutays tiyo ninkii
Maamul wacan baa leh
Madaxnimana waa loo dhashaa
Muranna waa ceebe
.
Cirro manta tuu yeelay baan
Mahad ku gaadhsiine
Masuul jira inuu yahay ayuu
Muujiyoo qiraye
Maslax iyo heshiis kuu kariday
Madasha loo baahday
Miyir kiyo aqoontuu ku galay
Guusha laga maalye
.
Daacad nimo wixii loo metelo
MAWLA) kuu sakhir ye
Madadaalo beenaan lahayn
Xaajo meel marahe
Mudan iyo inuu geesi yahay
Manta loo aragye
Madaxweyne kii geya runtii
Siiyay maragiiye
.
Muuqdheer inuu leeyahaan
Mala ku oognayne
Madaxii ha raagee nin jira
Maamka loo geliye
QORE .Maxamuud Cismaan ( Moholin )
You must be logged in to post a comment.