Madaxwaynaha Dawlad Degaaneedka Somaliland Ethiopia oo xafiiskiisa ku qaabilay Saaka wafti Wasiiro u badan oo ka socday jamhuuriyada Somaliland.

Madaxwaynaha DDSI oo xafiiskiisa ku qaabilay Saaka wafti Wasiiro u badan oo ka socday jamhuuriyada Somaliland.

Jigjiga(SM) Jimce August 09,2013.Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa Saaka xafiiskiisa ku Qaabilay Wafti Wasiiro u badan oo ka yimid Somali-land iyadoona ay madaxweynaha ku welinayaan dhinaca xukuumada madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna hogaanka N/galyada maamulka iyo cadaalada mudane c/laahi yuusuf weerar, wasiirka madaxtooyada DDSI mudane c/casiis maxamed cabdi, wasiirka xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga mudane c/risaaq cali baashe, madaxa arimaha XDSHSI mudane ahmed maxamed shugri.

Dhanka Somaliland waxaa  ka socday Wafti wasiiro u badan dalka jamuuriyada Somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka warfaafinta Somaliland mudane c/laahi maxamed daahir (cakuse) iyo wasiirka caafimaadka mudane saleebaan ciise xaglotoosiye. Ujeedada kulankaa oo ahayd sidii labada wadan ay iskaga kaashan lahaayeen arimaha isku socodka,fursadaha Waxbarasho,sii xoojinta dhinaca amniga iyo iskaashiga dhinaca ganacsiga.

Kulankan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxdaynaha DDSI Mudane cabdi maxamuud cumar isaga oo ugu horayntii siwayn ugu mahadnaqay wafiga ka socday Somaliland iyo guud ahaanba shacabka iyo xukuumada soomaliland ayaa waxa uu madaxwaynuhu siwayn uga waramay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labadooda, wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in labada wadan siwayn uga wada shaqeeyeen arimaha iskaashiga ee ku wajahan isku socodka(dalku-galka) kor uqaadida arimaha n/galyada iskaashiga dhinaca dhaqaalaha wuxuuna sheegya madaxwaynuhu in xukuumada deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka go-antahay sidii ay markasta u wanaajin lahayd xidhiidhka ka dhexeeya wadamada ay dariska yihiin,sidoo kalana sharax ka bixiyay Xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya dawlada Puntland.

Dhanka kale Wasiirka warfaafinta Somaliland mudane C/laahi Maxamed Daahir (cukuse) oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu siwayn ugu mahadnaqay xukuumada DDSI ee uu hogaanka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar wuxuuna sheegay wasiirku in ay xukuumada deegaanku ay sanadihii ugu danbeeyay ay ku talaabsaday horumar ku socda xawaare aad u dheeraynaya ayna tahay meel lagaga daydo tubta iyo Hanaanka hogaamineed ee ay ku gaadhay horumarkaasi mudada gaaban meesha dheer ku gaadhay.

Cakuse oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in dadaalka balaadhan ee ay xukuumada deegaanku ku talaabsatay tahay tan keentay in xidhiidhka labada wadan gaadho meel aad u saraysa gaadho islamarkaana ardayda Somali-land fursado waxbarashada jaamacadeed ka helaan DDSI sheegayna in xukuumada degaanka uga mahadnaqayo sida wanaagsan ee ay uga caawiso Somaliland dhinaca waxbarashada isaga oo sheegay in ay sanadkan uga qalin jabiyeen arday badan oo ka socoday Somaliland jamacada jigjiga iyo dhamaan kuliyadaha kuliyadaha ku yaala deegaanka somalida itoobiya taasina ay keentay in ay waxwayn ka taridoonaan arimaha horumarka jamuuriyada Somaliland taasina waxaan ugu mahadnaqaynaa ayuu yidhi cukuse dawlada deegaanka soomalida itoobiya.

Waftigan oo ay dhinaca saxaafadana ay ku wehelinayeen qaarka mid ah saxaafada Somaliland ayaa waxay maalintii shalay kula tukadeen salaadii ciidul-fitriga shacabwaynaha DDSI iyo masuuliyiinta xukuumada DDSI xarunta caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga.

Isku soo wada duuboo waftigan ayaa waxay siwayn ugu bogeen sida wanaagsan ee ay xukuumada DDSI u soo dhawaysay qaabka horumarka balaadhan ee ka taamyeelay guud ahaanba deegaanka somalida itoobiya iyo waliba bilicda iyo dhismayaasha waawayn ee ka socda xarunta caasimada deegaanka ee jigjiga.

Salaanmedia/Jig-jiga