Madaxweynaha Puntland oo loo diiday in uu ka qeybgalo gabagabadii shirkii heshiisiinta dowlada iyo Axmed Madoobe

 
faroole
Madaxweynaha maamulka Puntland C/man Faroole ayaa la sheegay in loo diiday in uu ka qeybgalo shirkii lagu soo gunaanadayay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.C/Raxmaan Faroole ayaa laga celiyay garoonka dayuuradaha ee magaalada Nairobi isagoo doonayay in uu u dhoofo magaalad Addis-Ababa. Ka joojinta dhoofintaanka ayaa wararka ay tilmaamayaan in ay ka dambeysay codsi ay dowlada federalka u gudbisay dowlada Kenya iyadoo ka cabsi qabtay in uu carqaladeeyo kulankii ka socday magaala madaxda dalka Ethiopia.Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa kulankaasi uu ahaa mid maalmo qaatay oo ay heshiis kula soo gashay maamulkii la magac baxay Jubba Land.

Madaxweynaha Puntland C/maan Faroole ayaa gebi ahaanba joojiyay xidhiidhkii uu la lahaa dowlada federalka kadib markii uu eedeyn u soo jeediyay dowlada inay wax ka bedeshay dastuurka.

Xiriirka ka dhexeeya dowlada Federalka iyo maamulka Puntland ayaa tan iyo markii uu jaray xiriirka waxa uu ahaa mid aan wanaagsanayn hase ahaatee dib u dhaca ka soo gaaray C/maan Faroole sidii uu lug ugu yeelan lahaa heshiiska Jubbaland ayaa waxaa ay ka dhigaysaa mid uu hoos u dhac ka soo gaaray kaalintii uu ku lahaa siyaasada Jubbaland.


Salaanmedia/Mogdisho

 on August 29 2013
Â