Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka kumanaan qof kala qeyb galay salaada ciidul fidriga Garoonka kubadda cagta ee xaafadda xawaadle ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka kumanaan qof kala qeyb galay salaada ciidul fidriga Garoonka kubadda cagta ee xaafadda xawaadle ee magaaladda Hargeysa.
556768_695280990488656_97523941_n
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo salaadii ciidul fidriga ka dib khudbad u jeediyay dadweynaha ayaa sheegay inuu dhambaal hambalyo ah u dirayo shacbiga Somaliland oo uu tilmaamay inuu ciidan ciideeda uu u rajaynayo inay ku gaadhaan nabad-gelyo iyo horumar.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u soo jeediyay shacbiga Somaliland inay ku dedaalaan isku duubnidooda iyo wada jirkooda isla markaana ay meel uga soo wada jeedaan wixii hadimo ku noqon kara horumarka iyo qarranimadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay halgan ugu jirto sidii ay maalin uun uga mid noqon lahayd qarrammadda madaxa banaan ee adduunka, waxaanu xusay inay hayaan juhdigii ay u marayeen aqoonsiga.

Sheekh Aaden-Siiro Oo munaasibada ciida lahadley dadweynaha ayaa Waxa uu sheegay in sharaf ay Garoonka Xawaadle u tahay in Madaxweynuhu kula tukado, Isagoo Sheekhu xasuusiyey in Xaafaddaasi ay tahay Xaafaddii uu ka helay Codka Ugu Badan .

Salaanmedia/Hargaysa