Madaxweynaha Somaliya Oo U Ambabaxay Uganda Halkaasi Oo Uu Kaga Qayb Galidoono Shirka Madaxweynayaasha Dalalka Ay Ciidamadu Ka Joogaan Gudaha Somaliya.

Aug 3, 2013 Muqdisho(SM) – Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradah Muqdisho, isagoo kusii jeeda magaalada Kambala halkaasi uu kaga qeybgalidoono shirka madaxweynayaasha dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalkeena Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxweynaha C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaasi uu shirgudoomindoono madaxweynaha Uganda Yuweri Musafani oo isagu marti gelinaya shirka.

Shirkaasi ayaa looga hadlidoonaa sidii loo joogteyn lahaa dhaqaalihii iyo qalabkii ay ku dagaalami lahaayeen ciidamada AMISOM, waxaana sidoo kale shirkaasi looga hadlidoona dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ciidamada AMISOM ugala wareegaan mustaqbalka ammaanka dalka.

‘’Maanta waxaa magaalada Kambala ka socda shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana ka qeybgaleysa Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Berina waxaa furmaya shirka madaxda wadamadaasi’’ Sidaasi waxaa yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Eng Yariisoow.

Eng Yariisoow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in shirkaasi ay goob joog ka noqondoonaa deeq bixiyayaasha caalamka oo sida uu sheegay si weyn usoo dhaweeyay shirkaasi.

‘’Soomaaliya waxey shirkaasi la hortagidoontaa sidii loo tayeeyn lahaa ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya si ay mustaqbalka ula wareegaan amaanka guud ee dalka iyo sidii AMISOM looga saacidi lahaa waxyaabaha aysan uga maarmin howlgalkooda,’’ ayuu yidhi Eng Yariisoow.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo heer madaxweyne ah oo ay yeeshaan wadamada ay ciidamadu ka joogaan dalkeenna Soomaaliya, waxaana la filayaa iney ka soo baxaan go’aanno waxtar u lah ummadda Soomaaliyeed.

 

Salaanmedia

Muqdisho Office