Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo markii 7aad loo dhaariyey Madaxweyne Daawo Sawiro

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii 7aad loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalkaas, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii July.

Munaasabad ballaadhan oo ay ka soo qeyb galeen taageerayaasha ayaa waxay ka dhacday Garoonka cayaaraha ee Harari, halkaasoo lagu dhaariyay Mr Mugabe.

Robert Mugabe oo 89-sano jir ah ayaa doorashadii 31 July kaga guuleystay Morgan Tsvangirai, kaasoo horay u qaadacay natiijada doorashada.

Mr Mugabe ayaa ku guuleystay 61% doorashadii madaxtinimo, iyadoo ninka kula loolamaay ee Tsvangirai uu helay 34%.

Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb gelin Morgan Tsvangirai oo aaa Ra’iisul wasaarihii dowlad wadaaga ee la dhisay sanadkii 2009-kii, xilligaas rabshado ka dhasheen doorashadii dhacday, balse cadaadis ka yimid dowladaha gobolka ay ku xaliyeen in awood qeybsi laga dhigo dowlada.

 

 

 

 

 

Salaanmedia/Hargaysa