Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Hadlay Waxqabadka Dowlada Somaliya Muddadii Sanadka Aheyd Ee Ay Jirtay

Aug 30,2013 Muqdisho(SM) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa mudane Xasan Sheekh maxamuud oo maanta marti ku ahaa barnaamijka kulanka Todobaadka ee si toos ah maanta uga baxayey Tefeshinka Qaranka ayaa ka hadlay waxqabadka dowladda muddadii sanadka aheyd ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mid mid uga hadlay balanqaadkii uu sameeyay markii loo doortay Madaxweynaha J.F.Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay mudada sanadka ah, wuxuuna tilmaamay in dhinaca siyaasada ay dowladu horumar la taabankaro ka gaartay, isagoo xusay in dowladu ay go’aansatay in 2016 ay dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Wuxuu soo hadalqaaday in shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada ay dowladu bixiso mushaaraadkooda, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladu ay nidaam cusub u sameysay bixinta mushaaraadka shaqaalah rayidka ah.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhinaca ammaanka ay dowladu wax badan ka qabatay isagoo tilmaamay in ay jiraan qorshayaal socda oo lagu xaqiijinayo ammaanka laguna tayeeynayo ciidamada.

‘’Dowladu waxey qabatay shirar qaran oo uu ka mid yahay shirkii garsoorka, iyo shirkale oo markii ugu horreysay looga hadlay siyaasada tacliinta dalka, sidoo kale bishan soo socota waxaa Muqdisho lagu qabandoona shirweyne Qaran oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasada dalka, kaas oo ay ka qeybgalayaan ilaa 200 ergo ah’’ Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in dowladu waddo dadaalo ku aadan sidii loo soo celin lahaa nidaamkii waxbarashada dalka ee lacag la’aanta ahaa, isagoo tilmaamay in la shaqaaleeysiiyay ilaa Kun macalin oo dowladu mushaar siiso, sidoo kale uu socdo mideynta manaahijta waxbarasha dalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday shacabka iney ka qeybqaataan qaabeynta mustabalka dalka iyo dadaalada dowlada, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladu ay ku guuleysandoonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dalka ka jira iyo horumarinta dalka.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen dhageystayaal ku sugan dalka iyo dibada, wuxuuna ka jawaabay su’aal ku aadaneyd sababta ay ciidamadu u xoreyn la’yihiin deegaano hor leh ayaa yiri’’ Ciidamadeenu ma dagaalami karaan ilaa ay doonto AMISOM iney dagaasho taasnina waxaa sabab u ahaa cunaqabateyntii dhinaca hubka aheyd oo na saarnaa inkastoo an ku guuleysanay in la qaado cunaqabateynta, hadana waxaan suurtagalinay inaan gaadiid iyo hub u iibino, hoggaan cusubna u magacaawno iyo dhismaha cidamanka oon hagaajino’’

Madaxweynaha ayaa ka hadlay in dowladu ay dadaal badan ugu jirto hirgelinta nidaamka Federaaliisimka ah, isagoo tilmaamay in aysan jirin qawaaniinta hageysa Federaalka isagoo xusay in dowladu ay dadaal ugu jirto sidii loo diyaarin lahaa qawaaniinta federaalka, wuxuuna dhinaca kalena xusay iney gobolada usii magacaabeen maamulo KMG ah.

‘’Heshiiska adis’ababa wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid iyadoo dowladu wax badan ka tanasushay maamulkaasina uu sidoo kale ka tanasulay wax badan uu jeclaan lahaa, heshiiskaasina wa bilow waana sii dhaneystiridoona dowladuna waxey diyaar u tahay iney ka hortagto wax kastoo keenaya colaad ku so laabata deeganadaasi’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa su’aalo kala duwan uga jawaabay dhageystayaasha ku dhaqan gudaha dalka iyo daafaha caalamka.

Salaanmedia/ Muqdisho Office