Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay si toos ah isu hor-fariisanaya si ay xal uga gadhaan arinta Jubaland.

news

Wararka laga helaayo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi ku suganyihiin Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Axmed Madoobe iyada oo arinta ay halkaasi u joogaan qaabkii ay isaga hor imaan lahaayeen wada hadal go’aankii ugu danbeeyay looga gaaraayo maamulka Jubaland sida uu u shaqeyn karo.

Wada hadalada ay isaga hor imaanayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh iyo Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubaland, ayaa waxa ay yihiin wajigii ugu danbeeyay kulomo dhowr ahaa oo la xariiray qaabkii leesugu soo dhawaan lahaa kadib markii labada dhinac ay ku kala fogaadeen maamul u dhisida Jubooyinka iyo Gedo.

Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ku sugan xillgaan wufuud labada dhinac ka socda, waxaana la sheegayaa in madaxweynaha Soomaaliya wufuuda dalkaasi uu kamid yahay wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Cabdulqaadir, halka ku xigeenka Axmed Madoobe uu isna madaxweuynaha Jubaland ku wehlinayo safarkiisa uu halkaasi ku joogo.

Lama oga waxa kasoo bixi kara kulanka ay isaga hor imaan karaan Xassan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo ah laba nin oo aad ugu kala fog aaya ka talinta Jubaland.

 

Salaanmedia/Mogdisho